Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya ergo u dirsaday kooxda Al Shabab.
Ergada Madaxweynaha aya Shabab raba in aay ku qanciyaan in ay soo saareen war saxaafadeed ay ku sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo la galaan Dowladda Federaalka ah, balse shuruud ay kooxda Shabab ka dhigaan in ay kaliya wada hadalo la galayaan Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Farmaajo aya u muuqda mid quus ka taagan Doorashada la filaayo in dalka ka dhacdo wuxuuna isku daygii ugu danbeeyay ku codsaday in ay Shabab u muujiyaan taageero.
Waa Madaxweynihii ugu horreeyay oo Shabab wediista taageero, isagoo weliba Doorashadii 2017 uu sheegay in uu dalka uga ciribtiraayo kooxda shabab muddo laba sano ah.