Farmaajo oo diiday in xafladda 1da Luulyo lagu qabto xarunta Gobolka cabsi awgeed.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa lagu waday in ay ka dhacdo xafladda sanadguurada 59 markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay. Xafladda oo ay socotay qabanqaabadeeda muddo ka badan toban maalmood aya waxaa loo xilsaaray guddi isugu jira saraakiisha amniga iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xafladda oo lagu waday in ay ka dhacdo xarunta Gobola Banaadir aya waxaa ku baxay adduun dhan $200 kun oo doollar sida MOL ay ogaatay.

Waxaa caawa fiidkii diiday in xafladda lagu qabto xarunta Gobolka Banaadir MW Farmaajo isaga marmarsiiyo ka dhigtay amnigiisa. Farmaajo aya u sheegay saraakiisha ciidanka Booliiska iyo Asluubta Bashiir Goobe iyo Bashiir Amerika in xafladda lagu soo wareejiyo Villa Somalia, oo kaliyana ay kasoo qeyb gali karaan masuuliyiinta dowladda.

Arrintan aya waxaa ay aad uga careeysiisay qaar ka mid ah guddiga Qabanqaabada xafladda oo uu ugu horreeyo Wasiir Maareeye iyo Khadiijo Ilka Cas.

Farmaajo aya waxaa soo food saartay cabsi ah in qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ay rabaan in aay qaarajiyaan, sida MOL uu u sheegay mid ka mid agaasimayaasha Villa Somalia.

Xafladda aya waxa hadda ay ka socotaa Villa Somalia, wixii soo kordho dib ayaan idiinkala socodsiin doonaa