Farmaajo oo diiday ceyrinta taliyayaasha ciidanka & Madaxda Puntland & Jubbaland oo degaya Xalane

Reading Time: < 1 minute

Farmaajo ayaa gabi ahaanba ka horyimid codsigii ka yimid madaxda dowlada goboleedyada iyo qaar kamida mucaardka kuwaas oo ay ku codsadeen in la badalo taliyayaasha ciidanka. In qabsoomida shirka Wadatashiga Doorashooyinka dib loo dhigo mudo sadax asbuuc ah , ayaa ujeedada laga lahaa ay ahayd in RW Rooble uu isbadal ku sameeyo hogaanka ciidanka Amaanka.

Ilaa iyo hada ma jirto qorsho lagu badalayo hogaanka ciidanka taasi ayaana keentay in madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbalad at degaan Hotel ku yaalo xarunta Xalane ee loo yaqaano Airport Road.

Waxa jira shaki badan oo laga qabo in RW Rooble uu ku shaqaynayo talada Farmaajo iyo Fahad oo iyagu gadaal ka hayo geedi socodka Doorashada.