Farmaajo oo dib u soo celinaya xiriirka Kenya & shaqalaha Safaarada  oo dib loogu celiyay dalka

Reading Time: < 1 minute

Sida diblamaasiyiin caalami ah u xaqiijieen MOL, asbuuca soo socda ayaa MW Farmaajo waxa uu dib u soo celin donaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Nasiib xumo iyada oo ayan ka soo wareegin labo asbuuc ayuu hadana  Farmaajo waxaa lagu qasbay in uu ka noqodo go’aankiisa.

Talabadaan ayaa waxa ay ka danbeeyay Abiy Axmad oo si aan gabasho lahaynin dusha eeda uga saaray Farmaajo iyo go’aankiisa aan ka fiirsashada lahaynin. Asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii Kenya iyo Itoobiya ay wada saxiixdeen heshiis dahqaale oo ay ku baxayso aduun gaaraya afar Bilyan oo dollar.

Hadaba isaga ii so celinay xiriirka labad adal ayaa hadana waxaa Magaalada Muqdisho maanta dib ugu laabtay dhammaan diblomaasiyiintii Soomaaliya u joogay gudaha dalka Kenya. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey xubnahan oo isugu jiro  diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Dhanka  kale waxaa gabi ahaan albaabada la’isugu soo laabay dhisamaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sababo ku aadan xiriirkii go’ay ee labada dal. Soomaaliya ayaa 15 kii bishan December xiriirkii diblomaasiyadeed u jirtay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku heyso arrimaheeda gudaha.