Farmaajo oo dib u magacaabay agaasimihii Kheyre ceyriyay, Karar Doomeey

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay si cadaan ah (Public) uga soo horjeesatay go’aan uu horay u qaatay Xasan Kheyre waxaana uu dib u magacaabay Karar Shuki Doomey in uu ku soo noqdo jagadii Agaasimaha Guud we Wasaarada Batroolka.

Xasan Kheyre ayaa dhowr bilood ka hor waxa uu shaqo ka fariisin ku sameeyay Agassimihii Guud ee Wasaaradda batroolka ka dib markii agaasimaha ka horyimid qorshooyin uu waday Xasan Kheyre.

Talaabada uu qaaday MW Farmaajo ayaa ah mid muujinaysa in markii ugu horeeysay uu Farmaajo qaato go’aan ka soo horjeedo danaha gaarka ah ee Xasan Kheyre.

Beesha Mariixaan ayaa in mudo ku eedaynaysay Farmaajo in uu ka qaban waayay Xasan Kheyre oo in mudo ah waday Qorshe uu shaqo ka ceyrin ku samaynayo mas’uuliyiiin ka soo jeeda beesha Mareexaan.

Halkaan ka aqriso qoralkaas