Farmaajo oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta Dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka ee magalaada Muqdisho kaasi oo lagu wado dib udayactir lagu Sameeyo.

Madaxweyne Faramaajo iyo Ra’isul Waare ku xigeenka dalka, wasiiro ka tirsan Xukumada, Xildhibaano ka tirsan labada Golke ee Baarlamaanka iyo  abwaano ayaa ka qeyb galay munaasbaada lagu dhagax dhigayay Tiyaatarka Qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay si toos ah ubilaabi doonto dhismaha  Tiyaatarka Qaranka, waxaa uuna intaasi ku daray in mudo 9 bilood gudahood ah lagu dhisi doono Tiyaatarka Qaranka.

Sidoo kale Madaxweyne Framaajo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dib utayacdir ku sameyn doonto goobaha taariiqiga ah ee ku yaala magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ee ku bur buray dagaalkadii dalka ka dhacay kadib dowladii dhaxe ee Soomaaaliya.

Bilihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa socanayay dadaalo ay wadeen gudi loo xilsaaray dhismaha Tiyaatarka Qaranka, waxaana horay loo keenay shaqaalle udhashay dalka Shiinaha oo qeymen ku sameenayay sida ugu haboon ee loo dhisi karo.