Farmaajo oo Dh/mareeb ka dajiyay ciidamo Haramcad oo ku biira dagaalka Guriceel

Reading Time: < 1 minute

Magaaladda Dhuusamareeb oo ay ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah ururka Ahlusunna ayaa maanta waxaa ka dagay labo diyaradood oo sida sida ciidanka gaarka ah ee Haramcad si ay ugu biiraan dagaalka Guriceel. Ciidanka oo uu diray Farmaajo ayaa ujeedadoodu ahayd inay soo afjaraan dalka Guriceel.

Dhanka kale magaaladda Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaa maalinkii 2aad oo xiriir ah ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidammada dowladd Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Galmudug iyo xooggaga Ahlusunna ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ay ku dhinteen ku dhaawaad 70 ruux oo iskugu jira saraakiil iyo ciidan ayaa hada ka socda agagaarka xarunta Jaamacadda oo ay saldhig xooggan ka samaysteen Ciidanka Ahlusunna. Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka daran-dooriga u dhaca, hoobiyeyaal, gantaalaha garabka laga tuuro iyo qoryaha lidka diyaaradaha ee lagu rakibay gaadiidka iyada oo gantaalaha qaarkood ay ku dheceen isbitaalka ugu wayn Guriceel ee Istarliin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!