Farmaajo oo dardargaliyay ciidanka uu u daadgureynayo Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaan Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda fedraalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in ciidamo dheeraad ah lageeyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamo kale oo Dheeraad ah oo ka Tirsan Haramcad ayaa la filayaa in ay maanta soo ka degaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan xilli shalay dowlada Soomaaliya ay Garoonka Diyaaradaha Ugaas khalif ee Magaalada Beledweyne laga soo Dajiyey Ciidamo Haramcad ah oo Gaaraya illaa 115-Askari.

Dhinaca kalana Maanta ayaa lafilayaa ilaa 100-Askari oo Dheeraad ah in la geeyo Magaalada Beledweyne gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.Dhanka kale, ciidanka Haramcad ayaa lagula heshiiyey iney soo afjaraan Kiiska Generalka kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle ee uu madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe Xuseen, iyo in ay u diyaariyaan shacabka reer Hiiraan ay xoog lagu aqbalsiiyo doorasho uu uu Farmaajo damacsan in uu si boobka uga qabto magalaada Baladweyne.