Farmaajo oo codsaday in uu kulan la qaato Amirka Qatar oo ku sugan dalka Talyaaniga? 

Reading Time: < 1 minute

Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani aya waxa uu ku joogaa  dalka Talyaaniga booqosho rasmi ah. Madaxweyne Farmaajo oo isku soo aadiyay safarka Amiirka Qatar oo ku imaanaya Dalka Talyaaniga ayaa waxa uu codsaday in uu kulan qarsoodi ah la qaato Amiirka dalka Qatar oo maanta safarkiisa  Talyaaaiga uga sii gudbaayo dalka Croatia.

Codsiga Farmaajo ayaa waxaa uu yimid iyada oo Dowladda Soomaaliya ay si tioos ah ula safatay Dalka Sacuudiga. Asbuucii hore aya ay ahayd markii Soomaaliya ay qortay waraaq taareego ah oo loo diray dalka Sacuudiga taas lagu sheegay in dowlad Soomaaliya ay la safan tahay dalka Sacuudga, gaar ahaan arimaha la xiriira dilkii wariyaha Sacuudiga ee lagu dilay dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo aya codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Talyaaniga iyo Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga. Farmaajo ayaan  la siinin maamuska la siiyo madaxda wadamada kale ee booqashada rasmiga ah ku tago dalka talyaaniga.