Kaddib markii uu amray MW Farmaajo in ciidan u badan beeshiisa oo laga soo xukay ciidanka XDS oo Muqdisho laga qaaday ayaa galabta laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo hor dhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ay damacsantahay in ay ku daad gureyso gobolka Gedo.
Farmaajo ayaa waxa ka go’an beeshiisa ay talada Jubbaland qabato ama uu dagaal kula wareego Jubbland.
Waxaa caawa heegan buuxa la geliyay ciidanka XDS ee ku sugan Jubbaland.
Ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 300 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo lagu daabulayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in maalmaha nasoo aadan ay gaaraan halkaas.
Ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe uu Farmaajo doonayo in guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.