Farmaajo oo ciidamo Haramcad oo hor leh u dirsaday Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegayaan in saakay afar diyaaradood oo sida cutubyo ka tirsan ciidanka Haramcad ay degeen magaalada Beleddweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Sababta uu ciidamadaas loogu diray magaalada Beledweyne oo mudooyinkii dambe uu ka taagnaa khilaaf dhanka maamulka ah ayaa lala xiriirinaya in ay la xiriirto Doraashada la doonayo in lagu qabto Baladweyne. Duleedka magaalada Beledweyne waxaa ku sugan ciidamo jabhad ah oo uu hoggaaniyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo aad uga soo horjeeda madaxda cusub ee maamulka HirShabeele.

Farmaajo oo ay ka go’an tahay in uu xaqiijiyo in doorasho isaga uu wato ay ka dhacdo magalaada Baladweyne. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay Madaxtooyada kulamo kula qaatay madaxweyne Farmaayo iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada intooda ku sugan Muqdisho. Walaac badan ayaa laga muujinayaa ciidamadan cusub ee la geeyey gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, dowladuna wax faahfaahin ah kama bixin u jeedka ciidankan.