Farmaajo oo caawa ku mashquulsan qaabkii loo qori lahaa warmurtiyeedka shirka fashilmay

Reading Time: < 1 minute

Wariyaha MOL ee ku sugan magaalada Garowe ayaa soo sheegaya  in shirkii Garowe lagu kala kacay oo laysku af garan waayey qodobada asaasiga u ahaa shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Madaxda dowlad goboleedka in la soo saaro warmurtiyeed ay ku qoran yihiin in isfaham ka dhexdhacay labada Dhinac dibna loo kulmi doono.

Taladaas ayaa waxaa ka horyimid dowlad goboleeyada oo ka dhaartay in ay qayb ka noqdaan hadal been abuur ah oo ka duwan wixii ay kala kulmeen Garowe. Dowlada Farmaajo ayaa looga bartay been abuur lagu  jahawareerinayo shacabka Soomaaliyeed.