Farmaajo oo caawa howlgaliyay kooxda danleeyda (Qaaqlayaasha), maxay soo kordhin karaan?

Reading Time: 2 minutes

Caawa waxa ka socda Xarunta Villa Soomaaliya jahaweer iyo cabsi laga qabo mudaharaadka abaabulan ee lagu wado maalinta berito ah in uu ka dhaco  magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa waxa uu caawa amray in laga hadalsiiyo kooxda Qaaqlayaasha ee mushaarka joogta ka qaata dowlada. Kooxdaan oo aan horayba karaamo badan loogu haynin ayaa lagu amaray in ay dowlada ka   difaacaan  idaacadaha iyo baraha bulshada. Waxaa nasiib xumo ah in rag isku sheegaya ay yihiin culumo culumo caawa lagu qasbo in ay telefishanada la keeno si ay uga hortagaan mudarahaadka.

Dadkaan oo ay ka tagtay dareenkii diimeeed iyo tii bani’aadminimo kama aysan hadlin markii dad masakiiin ah la xasuuqay.  Mid ka mida dadka ku dhaqan muqdishu ayaa yiri “Waxa ay ka amuuseen dhabanayaasha marki dhibka la gaarsiinayay, waxa ay difacayaan dulmiga, miyaysan ogayn in aakhiro jirto”.

Salaad Cali Jeele oo la hadlay qof ay saaxibo yiriin, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd in uu rumeeysan yahay waxa uu difaacayo ayaa yiri “..eebow ilmaa iga jooga Niarobi oo iga rabo iskuul, cuno iyo hooy, ragaan (dowlada) waa i masruufaan bilkasta… hade marka la ii baahdana waa ku qasbanahay in aan hadlo”.

Shiil Cali Wajiis ayaa caaw a saqdhexe waxa Kamirada wax doubta loogu geeyay hotel Dayax oo uu degan yahay lacagtiisa ay bixiso dowlada. Waxaa  lagu yiri adiga oo istcimaalaya diinta  radi mudaharaadka… markaas ayuu aayado soo cuskaday.. waad ka arkaysaa indhahiisa in uu ka been sheegayo xaalada jirta.

Waxaa lama huraan ah in Farmaajo ogaado ma aha waxa u baahan in laga hortago hal mudahaaraad ee waa fakar iyo dareen shacabka qabaan. Waxaa taa lagu hali karaa iyada oo uu xaliyo dhibka  keentay mudaharadka. Calool u shaqeeystayaal lacag la siiyo ma joojin karaan dareen shacab. Fadlan sameey isbadal saamaxaya in shacabka arkaan in aad wax ka qabatay cabashadooda aidgana aad dib ugu soo cesheto karamadaada.