Waxaa caawa ka socda magaalada Muqadishu olole lagu iibsanayo codadka xildhibaanada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanadda ayaa waxaa loo balan qaaday in la siinayo aduun dhan $50,000 hadii ay idaacadaha ka hadlaan. Sidoo kale waxaa la abuuray been buur ah in xildihibaano aan horayba ugu jirin liiska saxiixayaasha in la horgeeyay iidacadaha, qaarkood iyaga oo wato dharkii jiifka ayaa la horkeenay Teleefishinada si ay been abuur u sameyaan oo ay u sheegaan in laga been abuuray.
Kulankii maanta uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Yamamoto ayaa looga digay in uu lacag laaluush ah ku bixiyo iibsashada codadka Xildhibanada. Mid ka mida Xildhibaanada oo la hadlay MOL ayaa u sheegay in uu ka qaatay lacag kooxda Farmaajo. Waxa uu yiri “lacagta ay qaybinayaan waa lacagtii shacabka laga qaaday, ma garan karo sababta aan ugu daynayo”. Waxa uu intaas ku daray ” war waanu ka qaadanaynaa lacagta koleey kani socay oo meel xun baa u danbeyn doontaaye”.
Farmaajo ayaa u muuqada in uu yahay in “nin biyo qadeen xunbo cuskay”. Dhawaca siyaasadeed ee soo gaari lahaa waa uu soo gaaray, hadii uu xataa uu isku dayo in uu lacag ku iibsado xildhibaanada marna kama tirtirsay dacwada lagu soo oogai