Farmaajo oo bilaabay inuu sameeyo balanqaadyo been abuur ah oo la xiriira Mushaarka, Gunnada & Raashinka Ciidanka Booliiska

Reading Time: < 1 minute

Farmaajo oo  isticmaalayo kooxaha u adeega oo uu horeey Wasiir Beyle ayaa bilaabay inuu sameeyo balanqaadyo been abuur ah oo la xiriira kordhinta Mushaarka, Gunnada & Raashinka Ciidanka BooliiskaWasiirka. Iyada oo waqtigii dowlada uu ka tirsan yahay  uu gabaabsi yahay ayaa Beyle sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliya loo sameynayo mushaar kordhin uusan shaacin waqtiga ay dhaceyso & inta la gaarsiinayo si loogu abaalgudo doorka uu ciidankaas ka qaatay Nabadgalyada Doorashada.

Beyle,  oo kursigiisii  xildhibaanimo waayay  ayaa hada sheegaya in uu sameeyano lacag kordhin dhanka mushaarka, raashinka iyo Gunnada ay qaataan, Haddii qorshahaan uu hirgelo dhiiragelin xooggan ay u tahay Ciidamada Booliiska oo ka shaqeynaya ammaanka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ciidanka Booliiska ka dalbaday in uu xoojiyo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadgalyada & kahortagga wax weliba oo dhibaato ku ah Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo & Mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo” ayuu yiri Wasiir Beyle.