Farmaajo oo bilaabay in uu culumo kala baxo Masaajidyada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Farmaajo ayaa waxa ay bilaabeen in ay weeraraan qaar ka mida masaajidyada ku yaal Muqadishu iyaga oo sheegaya in ay ka dhexraadinayaan Argagaxiso. Ciidamadda NISA  ayaa galabta howlgal saacado badan qaatay waxaa ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waa maanta lagu qaaday weerar Masaajidka caanka ah ee Abuu Hureyra oo ka mid ah Masaajida ugu caansan magaalada Muqdisho. Ciidankaan oo uu hogaaminyay Saadaq John ayaa xoog ku galay ayaga oo  soo qabqabtay dad badan oo ku jira masaajidka, ka dibna indhaha iyo gacamaha laga xray.

Qof ka mid ah jameecadda Masaajidka ayaa warbaabinta u sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran ay gudaha u galeen masjidka, islamarkaana waxaa ay baaritaano waqti badan qaatay ku sameeyeen jameecadii Masaajidka, salaaddii Casir kadib.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay halkaasi ka soo ka xeysteen Imaamkii Masjidka Abuu Hureyra oo lagu magacaabo Macalin Cabdiraxmaan Guurre, kadib markii uu Salaadda casir Tujiyay Jameecadda masjidka.

Talaabadan uu qaaday Saadaq John oo amarka ka haysta Farmaajo ayaa waxa ay keeneysaa in culumo badan lagu weeraro masaajida Muqdisho.