Wararka ka imaanaya magaalada Casmara ee dalka Eritereeya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka dagay magalada Casmara isaga oo ka soo kicitimay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Safarka Farmaajo ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne SISI uu ugudbiyay Farmaajo fartiin eed sheegasho ah oo u soo faray Madaxweynaha Eritereeya Isaias Afwerki.
Madxaweyne Eritereeya ayaa ku eedeyay Farmaajo in uu yahay shaqsi aan balan lahaynin isla markaana aan mas’uuliyad qaadakrin. SISI ayaa u adkeeyay Farmaajo in uu safar madaxsalaaxid iyo cafis dalbasho ah uu ugu tago Madaxeynaha dalka Eritereeya.
MW Farmaajo ayaa u muuqda nin waalan oo jahada ka dhuntay oo maalinba meel ku carayaya isaga oo aan lahaynin lataliyayaal uu talada ka qaato. Safarka uu maanta ku tagay Eritereeya kuma uusan wehelin wasiirkiisa Arimaha Dibadda. Ma jiro ajanda ama qorshe uu u socda kaas oo ay ku jirto dan Soomaaliyeed. Waxaa macquul ah in lagu qasbo in uu safar kale ku tago Itoobiya si uu u soo raali gareeyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya oo isna alaabada ka xirtay Farmaajo ka dib markii uu balan furyo badan ku sameeyay.