Farmaajo oo amray in Caleemasaar 3aad loo sameeyo Cumar Filish (Sababta ogoow)

Waxaa maalintii doraad ahayd Xafladii sadaxaad ee soo dhaweynta Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Filish lagu qabtay  hoteelka Royal Palaca ee magalaada Muqdishu. Waxaa dad badan la yaab la noqotay sababta markii sadaxaad caleemasaar iyo soodhawayn loogu samaynayo Gudoomiye Cumar Filish.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  lahaa fakarka iyo amarka  in soo dhaweyn iyi caleemasaar  sadaxaad loo sameeyo Cumar Filish. Fakarka ah in Caleemasaar sadaxaad la smaaeyo ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu u yeeray odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mida wasiirada ka soo jeeda beesha Mudulood isaga oo u sheegay in ay ka hadlaan idaacadaha oo ay dhaleeceeyaan Mucaaadka ay hogaaminayaa madaxweynayaashii hore ee Xasan Shiikh iyo Shiikh Sharif.

Sidoo kale waxa uu u yeeray Gudoomiye Cumar Finish kaas oo lagu amray in uu sameeyo abaabul looga soo horjeedo madaxweynayaashii hore. Cumar Filish ayaa ku andacooday in uusan isaga kaliya waajihi karin madaxdii hore iyo guud ahaan mucaadka ka soo jeeda beelaha Hawiye ee ku sugan sidaas darteedna uu u baahan  yahay in lala qabciyo hogaanka beesha Mudolood si ay ugu taageeraan talaabooyinka uu kula dagalaayo madaxweynayaashii hore.

Farmaajo ayaa  u sheegay hogaanka beesha Mudulood in ay qabtaan shir lagu dhaliilayo looguna digaayo madaxweynayashii hore. Arintaas ayaa waxaa ka hor yimid hogaanka dhaqanka Mudulood oo u sheegay in arintaas ay keeni karto iska horimaad ciidan oo ka dhaca Muqadishu.

Ugu danbeeyntii Farmaajo oo ay ka muuqato wal-wal iyo natiijada ka dhalan karta dagaalka uu ku qaaday madaxweynayaashii hore ayaa u sheegay hogaanka Beesha Mudulood in hadii ayan qaban karin kulan looga soo horjeedo labadii madaxweyne ee hore la sameeyo xaflad  loogu magac darayo caleemasaarka Gudoomiye Cumar Filish taas oo loo isticmaalayo fursada lagu taageerayo talaabada ay qaaday dowlada Fedaraalka isla markaana lagu dhiirigalinayo Gudoomiye Cumar Filish in uu talaabo ka qaado madaxweynayaashii hore.

Xafladii doraad la qabtay ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad kooban, hogaanka beesha Mudulood ayaa dhankooda ka biyo diiday in ay ka hadlaan kulankaas ama ay fuliyaan codsiga Farmaajo.

Guud ahaan warbaahinta Soomaaliya ayaanba soo tabin xafladaas, halka Gudoomiye Cumar Filish uu isna ka gaabsaday in uu ka hadlo colaada u dhaxeeysa Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here