Diyaarad Gaar ah ayaa Galabta 5tii galabnio Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade ka qaadey Taliyaha Nabadsugida iyo Afartan askari oo si culus u qalabeysan waxayna si lama filaan ah u gaareen Magaalada Baydhabo si ay u Soo fuliyaan amarka la siiyey.
Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay. Ujeedada safarka Taliyaha Nabadsugida ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu u tagay sidii uu ula kulmi lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo isku sharaxay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed, isla markaana u gaarsiiyo go’aanka dowladda ku joojisay Musharaxnimadiisa.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen ay Madaxda sare ee dalka ku amartey labo arrin midkood, ama inuu Abuu mansuur ka tanasulo musharaxnimada ama inuu soo xiro oo uu diyaaradda soo saaro.
Taliyaha Nabadsugida ayaa la sheegay inay wehliyaan ciidamo farabadan oo sugaya ammaankiisa, kuwaasoo la raacay diyaaradda ka qaaday Muqdisho.
Mukhtaar Roobow oo maanta ka hadlayay Munaasabadda lagu taageerayay Musharaxnimadiisa ayaa iska dhega tiray go’aankii dowladda, isagoo ka codsaday Xildhibaanada Koofur Galbeed inay codkooda siiyaan.
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya amar ku bixiyay in la soo xiro Mukhtar Roobow haddii uu diiday amarkii dowladda federaalka ay kaga mamnuucday in uu ka mid noqdo musharaxiinta maamul goboleedka Koofur Galbeed. Dowladda oo soo saartay warsaxaafadeed maalmo ka hor ayeey ku sheegtay in Mukhtaar Roobow ay weli saaran tahay xayiraad caalami ah isla arkaana aanu soo buuxin shuruudihii laga rabay kaddib markii uu sheegay in kasoo goostay kooxda Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa cadaadis ku saartay Villa Somalia in aanay aqbaleyn shaqsi ay saaran tahay xayiraad oo ka mid ah koox argagixiso ah in uu ka mid noqdo hoggaanka maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ah.
Sida aan xogta ku helnay waxaa magaalada Baydhabo tagay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan si uu ugu qanciyo in Mukhtar Roobow uu ka tanaasulo kamid noqoshada musharaxiinta Koofur Galbeed. Hindisaha is sharaxaadda Mukhtaar Roobow ayaa wada lahaa Fahad Yasin, Farmaajo Xuseen Cusmaan iyo dowladda Qatar oo siisay lacag dhan $3 Milyan oo doollar.
Dowladda Mareykanka aya ka wardhowreysa sida ay wax noqdaan, haddiisa uu ku adkeysto Mukhtar Robow musharaxnimadiisa, waxaa suurta gal ah in ciidanka sida gaarka u tababaran ee Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaalida ah in ay soo qabtaan soona xiraan Mukhtaar Roobow.