Sida ay sheegayaan wararka saakay naga soo gaarayo gobolka Gedo waxaa degaanada hoos yimaado Gobolka Gedo ka socdo abaabulka banaanbaxyo looga soo hor jeedo dalabka Jubbaland ee ah in la hoos geeyo doorashada xildhibaanada lagu soo dooranayo Garbahaarey. Dhanka kale wariyeyaasha ka howlgala gobolka Gedo ayaa xalay lagu war-geliyey in maanta uu dhowr degmo ka dhacayo banaanbax uu abaabulkiisa wado maamulka gobolka Gedo ee dowladda taabacsan.
Qaban-waabiyaasha banaanbaxyada ayaa qorsheeyey in maanta ay ka dhacaan magaalooyinka Beled-Xaawo, Garbaharey, Buurdhuubo, Doolow, Luuq-Ganane, Baardheere iyo Bohol-Garas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo. Banaanbaxyada abaabulkooda la wado ayaa looga soo hor jeedaa in gobolka Gedo la hoos geeyo maamulka Jubbaland, waxayna xubnaha abaabulaya banaanbaxyadaas sheegeen inay ku muujinayaan rabitaankooda.