Farmaajo muxuu la aamusaa marka shacab hoostiisa lagu xasuuqo?

Reading Time: 2 minutes

Qarax ka dhacay maalintii shalay ahayd xarunta Gobolka Banaadir aya waxa ilaa hadda aanan ka hadlin, ka tacsiyadeyn dan aan ka lahayn haddii magaalada Muqdisho kala bar ay caawa qaraxyo ku dhintaan MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kama soo wareegin 24 saac markii uu afka furtay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah oo kor u dhaafay 40 qofood. Waxaa dad badani isweydiinayaan, maxay tahay sababta uu Farmaajo uga aamuso qaraxyada ka dhaca Muqdisho uusanna maalin u tacsiyadeyn shacabka lagu xasuuqo hoostiisa. Tan iyo markii lagu wareejiyay talada dalka Febraayo 8, 2017 waxaa kooxda cadowga Al Shabaab ay Muqdisho ku dileen shacab dhan 10659 (Toban Kun lix boqol iyo konton & sagaal).

Waxaa caada u noqotay in uu ka tacsiyadeeyo haddii shil baabuur ay ku dhintaan dad aan Soomaali ahayn sida tacsidii uu ka diray dalxiisayaal ku dhintay Uganda, kuwa ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Masar, qarax ka dhacay Addis Ababa uu ka tacsiyadeeda isla markaana ku sheegay kuwa geystay in ay yihiin cadowga Itoobiya. Balse waxaa ummadda Soomaaliyeed la fajacsan yihiin waxa uu la aamuso marka shacab lagu xasuuqo hoostiisa?

Inta badan waxaa dad badani ay ku qoreen baraha bulshada in ay tahay cadowtinimo iyo naceyb uu u qabo shacabka Muqdisho, ma aha mid la beeni karo waayo maalin intuu soo istaagay kama tacsiyadeen shacab hoostiisa lagu xasuuqay.

Dadkii shalay ku shahiiday qaraxa aya waxaa ay ahaayeen masuuliyiin dowladda u shaqeeyay waxaana ku dhaawacmay Gud. Gobolka Banaadir oo ku jira xaalad aad u liidata.

Waxaa ka mid ah masuuliyiinta ku dhintay:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi
4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
6 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye
7 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye.

Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo.
1 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay.
2 – Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame.
3 – Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
4 – Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah.Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin.