Farmaajo ma aqbalay fartiintii Qoor-Qoor ka keenay Axmad Madoobe iyo Deni?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar xalay kulan ku qaatay Xarunta Madaxtooyada. Kulankaan ayaa daba socday kulan ay Axmad Madoobe iyo Sacid Deni kula yeesheen Qoor-Qoor magalaada Garowe, kaas oo ay fartiin ugu soo dhiibeen Farmaajo.

Sida ilo xogogaal ah noo sheegeen, Madaxweyne Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa kulankooda oo socday saacado badan qaatay uga wada hadlay sida loo xalin karo caqabadaha hortaagan doorashada dalka ka dhaceysa iyo arrinta Gobolka Gedo, xili uu muran xoogan taagan yahay. Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday ergo uu u keenay Madaxweyne Qoorqoor ee ku saabsan xalinta khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in is faham laga gaaray in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor laga sugayo inuu jawaab inuu ka keeno Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, taasi oo ku aadan in wada-hadal laga yeelo khilaafka doorashada dalka.

Wali ma cado in Farmaajo si buux da u aqbalay xujooyinkii ay soo jeediyeen Axmad Madoobe iyo Saciid Deni. Su’aashu waxa ay tahay, hadii xataa uu aqbalo fartiimahaas, sidee lagu aaminayaa Farmaajo.