Farmaajo & Kheyre oo isku haya cidda hoggaamin layad guddiga wadahadalada Somalia & Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada JFS ayaa MOL u sheegay in uu socdo dadaallo la doonayo in dib loogu furo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo ay tahay in marka hore xal loo gaaro.

Dadaalladan ayaa waxaa wada ergeyga Turkiga ee wada-hadallada Olgan Bekar iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda xalinta xasaradaha ee Center for Humanitarian Dialogue.

Waxaa muran ka dhashay cidda hoggaamin lahayd wadahadalada Somalia & Somaliland murankaas oo u dhexeeya MW Farmaajo & RW Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa door-bidaya Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ahaa aas-aasayaashii ururuka Islaax ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Faroole ayaa la sheegay in haddii dowladda ay xulato ay ka careysiin karto Somaliland, maadaama uu horey u ahaa madaxweynaha maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso Somaliland. 

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!