Farmaajo iyo wefdi kale oo gaaray Magaalada Beledweyn

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha ayaa ku guurgali doona xaalada fatahaada iyo sida ay u sameysay guud ahaanba magaalada oo dadkii degenaa ka barakaceen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysaa sidii loo gargaari lahaa Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!