Farmaajo iyo Kheyre oo lacag ku bixinaya dacaayado ku wajahan Jubbaland

Reading Time: 2 minutes

Sadaxdii maalin ee u danbaysay Farmaajo waxa uu bilaabay in uu dhaqaale ku bixiyo dacaayado looga soo horjeedo Hogaanka Jubaland ee Axmad Madoobe.

Waxaa la howlgaliyay guutooyinkii Facebook kuwaas oo warar been abuur ah ka samaynaya Jubbaland. Waxaa caawa baraha bulshada ay ku soo qoreen hadal been abuur ah oo qoraalkiisa laga soo abaabulay xafiiska warbaahinta ee madaxweyne Farmaajo kaas oo lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah la wareegeen qaybo ka mida magaalada kismaanyo.

Daacayadaha aan loo meel dayin ayaa keeni karaa dagaal ka dhasha deegaanka Jubbaland. Awoodii Farmaajo ayaa ku soo biyo shubatay dacaayad iyo been abuur markii uu ku fashilmay in uu xal u helo arimaha adag ee hortaagan Soomaaliya xiligaan kala guurka ah.

maanta ayaa waxa amaanka ciidanka Jubbaland la wareegay ciidan ay soo tababrewn AMISOM kuwaas oo ka amar qaata hogaanka Jubbaland.

Sawirada ciidanka Jubbaland oo la wareegay amaanka magaalada kismaanyo