Waxaa maalmihii ugu danbeeysay soo ifbaxaysay talaabooyin qorsheeysan uu qaadayayo RW Xassan Cali Kheyre taas oo salka ku hayasa in uu si toos ah ugala wareego Madaxweyne Farmaajo taladii dalka.
RW Kheyre ayaa si aan gabasho la hayn ula wareegan dhamaan hay’adihii amniga, dhaqaalaha iyo golihii sharci dajinta. RW Kheyre oo xiliyadii hore ka gaabsan jiray in uu si toos ah uga horyimaado MW Farmaajo ayaa hadda ku dhiiraday in uu qaado talaabooyin go’doomin ku sameeynaya MD Farmaajo iyo kooxaha taageersan. Farmaajo oo lagu yaqaan dadnimo xumo, laciifnimo iyo been joogta ah ayaa dhankiisa u muuqda mid isdhibay oo ayan talo iyo awoodba gacan ugu jirin. RW Kheyre ayaa sheegay in xiligaan wixii ka danbeeya uusan marnaba u dulqaadan doonin go’aan la’aanta MW Farmaajo. Waxa uu yiri “ dhaqanka ah wax kastaa waan ka shakinayaa iyo go’aan qaadasho la’aan ayaa dalka la degtay, saaxiibkeyna waxa uu ku faraxsan yahay in in uu qolkaa fadhiyo, wadanka waa u socday cid loo joojinaya ma jirto”
MD Farmaajo ayaa maanta ah sacaboolay aan dhaamin shacaka ku dhaqan magaalada Muqadishu, lacagtii waa lagala wareegay, hogaankii nabad sugida waa laga wareegay, arimihii dibadda warba uma hayo. Waxaa taa ka sii dirin go’anadiisa in la fuliyo waa la diiday. Mid ka mid gacansadata suuqa Bakaaro ayaa yiri “ war kan iyo beesha uu ka dhashayba waan ku qaldanay, ee ilaah umadda faraj ha u furo”