Farmaajo iyo Kheeyre oo ku Hardamaayo Hanashada Itoobiya+Fahad yaasiin sii tagay Adis Ababa!!!

Reading Time: < 1 minute

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay aaminsanaayeen in hadii la doorto Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo isbedel weeyn uu ka dhici doono dalka kaasi oo ah in fara-galinta shisheeye gaar ahaan itoobiya laga qaan-gaari doono hase’yeeshee taasi waxeey noqotay mid aan jirin oo aan dhicin.

Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo intii uu ku jiray ololaha waxaa uu balan-qaaday in uu jaraayo faragalinta lagu haayo soomaaliya islamarkaana gabre iyo koox kale oo Itoobiya muqdisho u joogtay la cirdeeynaayo,aaway balan qaadkaasi.

Hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre ay ku kaltamayaan xariirka itoobiya kaasi oo mid walbo uu u xusul duubaayo sidii uu ku hanan lahaa R/wasaaraha Cusub ee Itoobiya.

Fahad yaasiin xaaji daahir ayaa sii jooga adis ababa waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare kheeyre in ay socdaal ku tagaan,hase’yeeshee waxaa labada masuul isku waafaqi la’yihiin shaqsigga hormaraayo ee Itoobiya tagaaya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi famaajo ayaa waxaa la filayaa in uu ka hormaro R/wasaare kheeyre Maadama fahad yaasiin oo si aad ah ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo soo qaban qaabinaayo kullanka Adis ababa.

Waxaa filan waa in ah in shacabku maqlaan madaxweyne farmaajo oo sidii la wada ogaa uga hadlaayay faragalinta shisheeyaha in uu hadda Tartan u galo qancinta R/wasaaraha Itoobiya,laakiin waxaa shaki ku jirin in hadaladii hore oo idil ay ahaayeen kuwa aan afka dhaafsiisneeyn