Farmaajo Iyo Kheeyre oo ka Wel-welsan Shir Siyaasadooda Looga soo Horjeedo oo ka Soconaayo Magaalada Niarobi (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka aan ka heleeyno Magaalada Nairobi  Ee Dalka Kenya ,waxaa halkaasi ku shirsan Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda Marka laga Reebo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Xukumadda Kheeyre Laaluush ka qaatay ka dibna Iskaashiga Maamul Goboleedyadda ka Baxay.

Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Magaalada Nairobi kulamo kala duwan ku qaadanaayay Safiirada Beesha Caalamka Iyo Madaxweynahayaasha Maamul Goboleedyadda kuwaasi oo ka wada hadlaayay arinkaan soo cusboonaaday iyo Fashilka Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xogtii Ugu Dambeeysay Ee MUQDISHO ONLINE heleeyso ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkaas ay ka qeeyb galayaan Masuuliyiin ka Socda Beesha Caalamka Xildhibaano Iyo Xubno Mucaaradsan Xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.

Ujeedka Ugu weeyn ayaa waxaa uu yahay in shirkaasi lagu muujiyo Hadafka Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda ka dib Go’aankii Madaxweyne Waare,sidoo kale waxaa ay sheegayaan wararka aan heleeyno in shir weeynoo Garoowe lagu qaban Lahaa dib loo dhigay Kaasi oo dhici Lahaa 10-ka Bishaan.

Dhanka kale MUQDISHO ONLINE ayaa loo xaqiijiyay in Mooshin laga gudbiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay ku lug-leeyihiin Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda kuwaasi oo damacsan in Waare Meesha Laga saaro.

R/wasaare Kheeyre Iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaan aad uga baqdin qaba Maadaama Xubanaha Beesha caalamka ee Joogta lagu wargelinaayo Falalka Guracan ee Hogaamiyayaashu ku Eedeeynayaan.

Villa Soomaaliya Yeey xogtu sheegeeysaa in Arinkaani aad looga hadal-haayo waxaana hada soconaayo dadaalo lagu badbaadinaayo Madaxweyne Maxamed Cabdi waare,waxaana Gar-wadeen ka ah R/wasaare Kheeyre.

Waxaa  la Rumeeysan yahay in Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Culeeyska ugu weeyn ee suuran  in uu yahay Heshiiska Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda Taasi oo ku Noqotay Leeb-ku taagan