Farmaajo iyo kheeyre oo arin muhiim ah lagula taliyay (AQRISO)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa loogu baaqay in aqbalaan la xisaabtanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

C/laahi Faarax Sandheere Gudoomiyihii Baarlamaankii Ximin iyo Xeeb oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in waajib dastuuri uu yahay in Madaxda dalka ay ogolaadaan la xisaabtanta Xildhibaanadda Baarlamaanka Xiliyadda ay u baahdaan.

Waxa uu sheegay in Dowladihii dalka soo maray Madaxdii ugu sareysay ay ogolaan jireen la xisaabtanka Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo Mooshin uu ku yaalo,si loo saxo qaladaadka xiligaas jira.

Madaxda haatan hogaamisa dalka ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan diyaar u aheyn la xisaabtanka Xildhibanadda Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkaana aysan tagin Xarunta Golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo.