Farmaajo iyo kheeyre oo aamusin wariyayaasha iyo siyaasiinta Hawiye lacag iyo Gudoomiye Yariisoow u adeegsanaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Sida aan xogta ku heleeyno waxaa la qorsheeynayaa in la xiro shaqsiyaad caan ah uu dhashay beesha hawiye kuwaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho islaarkaana aad u dhaliilsan hanaanka qalafsan ee kooxda Nabad iyo Nolol.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo ogsoon yahay in uu yes man yahay ayaa la sheegayaa in uu mari doono xariga shaqsiyaadkaani.

Wariyayaal iyo Siyaasiin ayeey xogtu sheegeeysaa in la xiri doono iyadoo lagu marmarsiin doono xogo qaldan ayeey bulshada la wadaageen.

Qaarkood loosoo diray fariimo hanjabaad ah ayaa inoo xaqiijiyay in ay suuragal tahay in la xiro,waxeeyna intaasi ku dareen in gudoomiye yariisoow arinkaani loosoo wakiishay.

Sidoo kale xogta ay heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegeeysaa in Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare kheeyre ay lacag ku bixinayaan aamusin ildheer-garadka beesha hawiye,waxaana arinkaani inoo xaqiijiyay shaqsiyaad si aad ah ugu dhaw xafiisyadooda

Maalmo ka hor waxaa la xiray Siyaasi lagu magacaabo nuur ismaaciil kaasi oo aad u dhaliilsanaa hanaanka gobolka Banaadir,waxaana xarigiisa soo amray nin la dhashay Madaxweyne Faraajo