Farmaajo & Fahad maka mira dhalin doonaan 5 Milyan ay ku bixiyeen in Axmed Madoobe tanaasulo (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen MOL, MW Farmaajo aya ku bixinaya dhaqaale aad u badan sidii looga taqalusi lahaa Axmed Madoobe Madaxweyanaha Jubbaland ee ku jira tartanka kursiga hoggaanka Jubbaland.

Farmaajo & Fahad Yasin oo adeegsanaya sirdoonka Itoobiya ay isku dayaya in ay maquuniyaan Axmed Madoobe si uu uga haro tartanka doorashada Jubbaland. Fahad & Farmaajo aya bixiyay lacag ka badan $5 Milyan oo doollar taaso ay siiyeen sirdoonka Itoobiya si ay qaab handadaad iyo awood sheegasho ah uu uga haro tartanka Jubbaland sidii ay ku sameeyeen sanadkii 2018 hoggaankii Koofur Galbeed Sharif Xasan Sh. Adan. Balse farqiga labada u dhexeeya aya ah, in

1. Sharif Xasan waxaa amnigiisa gacanta ku hayay ciidanka Itoobiya, waxaana ay u sheegen in aanay sugeyn amnigiisa haddii uu ku adkeysto in uu sii wado tartanka ololaha Koofur Galbeed, waxaa intaa u dheeraa Sharif Xasan oo cadaadis badan kala kulmay siyaasiinta beesha D&M oo badankood aaminsan in Sharif Xasan aanu ahayn nin qabiil ahaan ka tirsan beesha D&M, waana sababta keentay in uu ka tanaasulo kursiga isna casilo.

2. Axmed ma aha shaqsi ay amnigiisa sugayaann ciidan Itoobiyaan ah wuxuuna haystaa ciidan daacad u oo ku filan, kamana qabo baqdin handadaada Itoobiya, waana midda keentay in dalabkooda uu ku gacan seyro.

2. Calooshood u shaqeystayaasha Itoobiya aya si ay xalaasheystaan lacagta ay ka qaateen Fahad & Farmaajo ay bilaabay in lacag ku bixiyaan warbaahinta Kenya iyo midda Soomaalida si ay ugu ekaadaan rag meem mariyay cadaadiskii ay lacagta ku qaataan.

Nuqul ka mid ah faallo lagu qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu wajahayo dagaal iyo mucaarado xooggan oo kaga imaneysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wargeyska ayaa sheegay in Farmajao ay ka go’an tahay in Axmed Madoobe uusan kusoo laaban hoggaanka Jubaland, balse uu adeegsanayo xeelad dagaal oo aan toos ahayn.

Sida warbixintan lagu sheegay, Farmaajo ayaa ka dhaadhiciyey xubnaha beeshiisa Mareexaan oo ah beel aad ugu xooggan Jubaland, inaysan isku sharxin xilka madaxweynaha Jubaland.

Farmaajo ayaa doonaya in beesha Ogaadeen ay ku dagaalanto xilkan, wuxuuna taageerayaa xubno kasoo jeeda beeshan oo ku jira dowladda federaalka.

Dadka siyaasadda fallanqeeya, ayaa tallaabada Farmaajo uu qaaday, ee ah in Ogaadeenka dhexdooda ay ku loolamaan Jubaland, ay wiiqday Axmed Madoobe.

Maxamed Xaashi oo ka mid ah odayaasha beesha Mareexaan ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu wacad ku marayo inuu ka shaqeeyo sidii Axmed Madoobe loo ridi lahaa.