Farmaajo ciidan uma diri karo Garowe  iyo Kismaanyo laakiin Baydhabo sidii uu doono ayuu ka yeeli karaa?

Reading Time: < 1 minute

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay qorshaha la doonayo in shacabka reer Baydhabo lagu qasbo in ay doortaan musharax ayan raali ka ahayn. Xildhibaan Fanax  iyo Xildhibaan Adan Madoobe oo ka mid ahaa xidhibaano maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay  dowladda Fedaraalka in ciidanka ay keentay Baydhabo ay dib ula noqoto.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ayaa ku eedeyay MW Farmaajo in uu doonayo in uu xoog ku qabsado dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed iyada ujeedada tahay in beesha uu ka dhashay ee Mariixaan ay xoog kula wareegto hogaanka degaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay isugu dayay dhowr farsamo uu ku doonayay in uu Cabdicaasis Lafta Gareen uga dhigo Madaxweyne laakiin waa uu ku fashilmay qorshayaashaa hadda waxa uu qaaday tilaabadii ugu danbeeysay oo uu doonayay in xoog uu kula wareego shacabka Koonfur Galbeed oo si cad uga soo horjeestay qorshahiisa.