Farmaajo: “Beesha Mareexaan waxa ay badbaadiyeen Eritereeya xiligilii Mingiste hadana dowladeyda ayaa u baahan”

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Farmaajo oo ay la soo daris xaalad siyaasadeed oo cakiran  ayaa waxa uu maalmahan danbe xiriir gaar la sameeystay Madxaweynaha Dalka Eritereeya Mudane Isaias Afwerki.  Dad badan ayaad ula yaabay isku soo dhawaashada Soomaaliya iyo Eritereeya xiligaan iyada oo labada dal ayan ka dhaxeeynin dano istaraatijiyo siyaasadeed oo gaar ah  ama xuduud keeni karta  in Soomaaliya iyo Eritereeya sameeystaan  xulufeysi siyaasadeed.

Hadaba waxaa MOL ay heshay xog hoose oo ay la wadaageen saraakil ka tirsan xafiiska MW Farmaajo iyo qaar ku dhaw dowladda Eritereeya. MW Farmaajo ayaa aad u danaynayay in uu si toos ah ula xirto MW  Isaias Afwerki isaga oo tixraacaya heshiis taariikheed uu sheegay in uu horay u dhex maray beesha Mareexaan iyo jabhadii Eritereeya ee uu xiligaas uu hogaaminyay Mudane Isaias Afwerki.

Waxaa horaantii bishii Juun tagay magaalada Asmara wafdi ka socda beesha Mareexaan oo isugu jira odayaal iyo saraakiil  horay uga tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed si ay ula kulmaan MW Isaias Afwerki.  Wafdigaas oo uu soo dirsaday MW Farmaajo ayaa ujeedadoodu ahayd in dib loo cusbooneysiiyo xiriirkii uu horay u sameeyeen MW Siyaad Barre iyo Isaias Afwerki.

MW Farmaajo oo labo  safar ku tagay labo bilood gudahooda dalka Eritereeya ayaa waxaa uu in mudo ah ku mashquulsanaa in uu MW Isaias Afwerki ku casuumo dalka Soomaaliya. Inkastoo Wasiirka Arimaha Dibabdda ee dalka Etitereeya, Mudane Cusman Salax Maxamed, horayna ugu noolaan jiray Magaaladda Muqadishu u dhowr mar safar ku tagay Magaaladda Muqadishu hadana ma suuragalin in MW Isaias Afwerki uu Muqadsihu booqasho rasmi ah ku tago.

Bishii Obtoober 18 keedii ayuu Madaxweyne Farmaajo waxa uu qadka teefanka kula hadlay MW Isaias Afwerki isaga oo ka codsaday in uu ka caawiyo sidii Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya  ka jira xoog loogu hoos keeni lahaa dowladiisa. MW Farmaajo ayaa qadka telafanka ugu sheegay  MW Isaias Afwerki in uu la hadlo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed si uu u adeegsado ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya, gaar ahana deegaanadda Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Inkastoo Abiy Axamed uu si toosa faragalin u sameeynin hadana waxa uu qayb ka ahaa culayska siyaasadeed ee keenay in Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Sharif Xassan uu iska tanaasulo.

MW Farmaajo oo ay ka muuqato abaalsheegasho  oo uu u abaal sheeganayo MW Isaias Afwerki iyo qabiilka uu ka dhashay ayaa ku  yiri : “Beesha Mareexaan waxa ay badbaadiyeen Eritereeya xiligilii Mingiste , hadana waxaan kaa codsanayaa in aad dowladeyda Baadbaadisaaan”.

Codsiga uu sameeyay MW Farmaajo ayaa waxa ay tusaysaa shacabka Soomaaliyeed ujeedada ka danbeeysay in  MW Farmaajo uu uga hiiliyo dalka  Eritereeya dowladda aan walalaha nahay ee Jabuuti. Farmaajo ayaa xoog saaray in dowlada Eritereeya Cunaqabataynta laga qaado halka uu ka gaabsaday in uu ka hadlo colaada u dhaxeeysa Jabuuti iyo Eritereeya.

Hadaba waxaa maalinta berito ah ku soo fool leh magaalada Muqadisho MW Isaias Afwerki iyada oo ujeedadu tahay in uu taageero MW Farmaajo fartiina uu u diro mucaaradka dowladda taas oo ah in Farmaajo uu yahay shaqsi danahooda ka shaqeeyo wax kastaa oo ay ku qaldaan ay difaaci donaan.  Waxaan shaki ku jirin in imaatinka Isaias Afwerki ee Muqadisho ee xiligaan ay  keeni doonto xaamasad iyo caadifad godka ku sii rido rajada laga qabay in ay Soomaaliya soo kabsato.