Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku. sugnaa Magaalada Nairobi waxa uu kulan la qaatay xildhibaano Soomaali Kenyaati ah iyo siyaaiyiin kale oo ka soo jeeda beesha ogaadeen.
Kulankan oo ka dhacay hotelka uu Farmaajo ka degenaa Magaalada Nayroobi ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye Aadan Barre Ducaale, Xildhibaan Yusuf Xassan iyo Senator Yusuf Xaaji! Kulanka oo dhacay saaacad ka dib markii Farmaajo ka soo noqday kulankii uu la lahaa Madaxwyne Uhuru Kenyatta ayaa Farmaajo afka furtay waxa uuna sheegay in dowladiisa ay burburinayaan beesha daarood.
Waxa uu u sheegay Xildhibanada “Aniga ayaa wakiil ka ah beesha Daarood, dowladdana waa dowlad Daarood,Ma I qabato in la igu fiirsado Abdiwali iyo Axmad Madoobe in ayburburiyaan dowladeyda”
Farmaajo ayaa ku daray “ dhamaan codsiyadii iiga yimid dowlada Kenya waan aqbalay waana ansaxiyay, dhankiina waxaa idinku waajjba in aad dowladaan difaacataan, walaahi baan ku dhaaftay hadii Hawiye qabsado xukunka kenya way u dhamaanaysaa”
Xidlhibaanada ayaa u sheegay in dareen ka uu qabo ay la qabaan laakiin looga baahan yahay in uu isaga xal u helo dagaalka qorsheeysan ee beesha Mareexaan ku hayso hogaanka Jubbaland.
Sadaxda xildhibaan ayaa ka dib u tagay Axmad Madoobe iyaga oo ka codsaday in uu la xaajoodo Lana kulmo MD Farmaajo. Axmad Madoobe ayaa u sheegay Xildhibanada in Farmaajo yahay qof beenlow ah oo aan run aqoon iyagana uu ku beer laxawsaday! Waxa uu u sheegay in uusan la kulmaynjn Farmaajo Inta Muqadishu laga soo abaabulayo dagaalka ka dhanka ah Jubbaland.
Ka dib ayaa gudooomiye Aadan Bare Ducaale waxa telefankiisa soo wacay Madaxwyne Uhuru (waana arin ay horay isugu ogaayeen) Waxaa telefanka loo
dhiibay Axmad Madoobe! Uhuru ayaana ka codsaday in uu la kulmo lana xaajoodo Madaxwyne Farmaajo, laakiin si Asluubaysan ayaa MW Axmad Madoobe u qanciyay Uhuru isaga oo sidoo kale u sharxay qilaafka labada dhinac waxa uu ku salaysan yahay.
Waxaa muuqatay in MW Axmad Madoobe mowqif cad ka qaatay wada shaqaynta Farmaajo iyo kooxdiisa.
Madaxwyne Farmaajo oo waji gabax kala kulmay shirarkii Nairobi ayaa si dhaqso ah ugu noqday Magaalada Muqadishu
Waxaana muuqato in dowlad Farmaajo ku soo wajahan tahay labo mucaaradood oo xoogan 1) dowlad goboleedyadda iyo 2) mucaaradka baarlamanka. Hadii caqli shaqaynaya kheyre ayuu isku badbaadinayao oo uu shaqada ka cayrinayaa hadii kale sanadka dabayaqadeeda la islama gaari doono!