Farmaajo: “Aniga waxa aan isku xisbi nahay Trump isku qaabna waan u shaqaynaa, dalkaan gacan adag ayaan ku qabanayaa..”

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Farmaajo oo labo cesho ka hor kulan  la qaatay saraakiil Maraykan ah aya waxa loo sheegay in uu wax ka badalo siyaasadiisa ku dhisan caadifadda waqtina uu galiyo dib-u-heshiisiin si dalka la isugu hayo.

Farmaajo oo hadalkaas dhibsday isla markaana u arkay mid isaga lagu yasayo aya yiri “ ma ogti—tihiin in, in, in ….aan aniga xubin ka ahay xisbiga Jamhuuriga, aniga iyo Madaxweyne Trump isku qaab ayaan siyaasadda u maareynaa, cidna kama baqno”.  Saraakiishii goob jooga ka ahaa kulan ayaa iyaga oo yaaban mar qura isfiir-fiiriyay lana yaabay hadalka ka soo yeeray. Madaama dublamaasiyiinta Maraynka aan loo oglaynin in ay si toos ah uga hadlaan madaxda dalka iyo siyaasadoodaba, cidna ugama jawaabin su’aashiisa!!

Waxa uu intaas ku daray “mucaaradka aad arkaysaan waa dhowr qof oo Hawiye iyo Digil iyo Mirrifle ah   oo wali caqligooda ku qufulan yahay in ay dalka  hantidiisa dhacaan ayagana gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa waadna arki doontaan meesha ay ku danbeeyaan”.

Farmaajo aya ku daray “qaar baan horay u xirnay, maxkamad soo saarnay qaarna iyaga oo aan la qasbin ayaa ay  dalka iska musaafuriyeen oo dibadda aya ay ka qayliyaan!. ma aragteen cid ka daba hadlaysa ama u oynaysa qoloyinkaas, waa maya sooma aha .. sax”. Isaga oo qaylinaya aya  waxa uu intaas sii raaciyay “ waxaan idin sheegayaa aqlabiyadda baarlamaanka Soomaaliya aniga aya haysta boqolkiiba sideetan (80%) aniga aya ay itaageersan yihiin, i jecel yihiin! … fursad ayaan u haystaan in aan dalkaan  gacan bir ah ku qabto waadna arki doontan, max la yiraahdo mucaarad ma jiro waa tuugo”.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “ cid la tuugayo ma jirto kali talis ha la igu sheego laakiin dalkaan villa Soomaaliya aya looga ariminayaa hadii kale aniga ayaa iska tagayo wax ka dhaxeeya ma jirto… waadna arki doontaa… qolooyinka sheegta in ay qabiir ku yihiin arimaha Soomaaliya  ee aad la tashataan been ayaa ay idin sheegaan”.

Farmaajo aya loo sheegay in dalkaan arigtada uu ka qabo ayan ahayn mid sax ah, dhib badana laga soo maray in uu halkaan soo gaaro. Mid ka mida saraakiishii la hadashay  Famraajo aya ku yiri “sida aad sheegatay, madaama shacabka ku jecel yihiin baarlamaankana aad haysatid  maxaa kuugu qasbaya in aad dad xirto ama aad dalka ka musaafuriso”.

Mid ka mida saraakishii la kulantay Farmaajo aya muujiyay walwal ah in MW Farmaajo uusan faham buuxa ka haysanin xaaladda Soomaaliya joogto xiligaan  isla markaana uu u muuqday nin caadifad aargoosi ka muuqdo.

Kalsoonida uu muujinayo Farmaajo aya salka u hayso ciidamada Eritereeya iyo kuwa Itoobiya oo uu rumeysan yahay in ay dalka u qaban doonaan dhawaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!