Fariin ku socoto,Madaxweyne Farmaajo”maahan inaad diyaarad Iyo Hotel”!!!

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne keliya ha u dhaxeyn diyaarad, qasriga madaxtooyada, baaburka aan xabbaddu karin iyo Hotel Five star ah, ee soo xasuuso masaakiinta aan harsan karin, hoyan karin iyo kuwa guryahoodi qaraxyadu ka dumiyeen ee aan awoodin iney dib u dhistaan. Madaxweyne waa run nabadeyn iyo diplomaasiyad waa inaad ka doorato dagaal aynaan dalal kale la gali karin, laakin haddana dan shaqsiya yeynaan dhaafsan danta dadka iyo dalka oo dhan.

Madaxweyne dhallinyaradu buug ayey wateen, waxeyna ahayd in ay buug qaataan kuwo aan hadda haysan, ee ma ahayn inaad ugu yeerto iney hub qaataan. Madaxweyne waxaan rajeyneynay iney geesahaaga buuxin doonan dad xigmad leh iyo maqaawiir kaa caawiya xaaladaha cakiran, kugu kordhiya aragti iyo fikrado maslaxad keeni kara, ee ma ahayn inaad isku hareereyso qalin shubato midba kan kale ka afdheeryahay, adigoo ka baqaya hadal suuqeedkooda iyo iney adiga kugu soo jeestaan.

Madaxweyne waxaad ahayd siyaasiga keliya ee umaddu raalli kawada ahayd, waxay ahayd inaad noqoto dallad ummadda u dhaxeysa, ee ma ahayn iney iskaa xijiyaan koox adiga kuugu caga jugleysa iney afduub kugu haystaan.

Madaxweyne waxaan filaneynay nabad, ee sugi meyn fawdo. Dulqaad ayaan kugu ogeyn, dhiirani ayaan kugu ogeyn, ee dhuumasho kuguma ogeyn. Dadka inaad isku waddaan kugu tuhmeynay ee nin jecleysi iyo eex kaama sugeyn. Ficil baan sugeynay ee faan kaama rabin. Rejaan kaa lahayn, laakin cabsi ayaa soo deg degtay. Bulshada kala irdhawday ha isu keenaan lahayn, dulqaad ha u muujiyaan islahayn, ha isu soo dumaan lahayn, dhaxal ha uga tagaan lahayn, laakin nacayb hor leh ayaa gacmahaaga ku abuurmay, dad wada socday ayaa dartaa kala tagay, waddooyin furnaa ayaa dartaa xirmay, kuwa noola ayaa dartaa naftooda waayey, kuwana haddey noloshooda u baqayaan.

Madaxweyne waxay ahayd inaad dareento baahida macallinka qorraxda ku shaqeeya, beeraleyda webiga ka ooman, ardeyga wadada laga xiray ee lugeeya, hooyada shaqeysata ee ciidanka loo adeegsado, ee ma ahayn inaad la qadeyso maalqabeenada xukunka sameeya, odey dhaqameedka hantiyeystay iyo siyaasi isku sheega dhiigga dadka sarrifta. Madaxweyne haddaad sidaan u jeceshahay inaad dhuumato maxaad u jeclayd caannimada?