Madaxweyne Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne u magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Puntland.
Wareegtada lagu magacaabay Cumar Faraweyne, waxay u qorantahay sidan:-
“Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 October 2018 Waxaa uu magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka Dowladda Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1.WaxaaG/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
- Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-