Faramajo oo Qarka u Saaran inuu la Soo Noqdo Dacwadii Badda ee Somaliya iyo Kenya.

Reading Time: 4 minutes

Dalka iyo madaxda Kenya waxaa u cad in aysan si sharci ah ku guuleysan Karin dacwadda maxakamadda ICJ tallo ee u dhaxeysay Somaliya iyo Kenya loogana guuleysanayo haddii ay jidkeeda caadiga ah dacwaddan loo daayo. Sidaas darted Kenya waxay rabtaa:

  1. Inay abuurto cadaadisyo siyaasadeed iyo kuwa diplomasiyadeed oo arrinta lagu kicinayo si ay u noqoto mid ka gudubta xadka madaniga ah ee ku eg maxkamada caadiga ah , una gudbo buuqaan xadka iska horimaadka kaas oo welwel gelin kara nabadda Gobolka kadibna ay soo farageliyaan quwado shisheeye.
  2. Marka kuleylka uu gaaro heerkii ay rabtay waxay Kenya ku baaqeysaa in Waddamada Talyinga, Norway, Qatar,  UAE,  IGAD iyo UNKa soo farageliyaan arrinta oo wadahallo la furo, kaibna ay tiraahdo si aan ula haddallo Somaliya horta dacwadda badda ha soo celiso. Kadibna caalamka uu culeys saaro dowladeenna oo iska jilcan laguna dirqiyo inay soo celiso ama dib loo dhigo dacwadda badda haddii kale ay dowladahaas ay nagala noqon doonaan haddiiba ay taageero na siiyaan.
  3. Waxaa kaloo ay Kenya rabtaa in waddamada daneynaya arrinteeda ay toos ula hadlaan maxakamadda Caalamiga ah  gaar ahaan dowladaha waaweyn ee  UK, Norway, Qatar iyo Talyaniga kuna yiraahdaan dacwaddaan iska xera annagaa  arrinkaan dhameyneyna waana waxa ay Kenya u socoto inay xasarad abuurkaan ku gaarto.

Bal aan dib u eegno sidee halkaan ku nimid?

Dowladdii ku xigtay dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa talada dalka loo doortay September 2012, waxaana ka mid ahaa waxyaaba hortabinta u lahaa arrinta badda oo Barlamankiii ka horreeyey uu tuuray is afgaradkii lala saxiixday dowladda Kenya 2009 kii, hasa yeeshee la wada ogaa in aysan halkaas ku dhammaanin. MW Xasan sheekh iyo xukuumaddiisa  waxaa u muuqatay in aan arrinta badda aan la geli Karin ila dhankeenna aan soomaalida iskaga duubnaanno, kana yeelanno aragti midyesan. Waxaana la is hordhigay in laga hor leexiyo waxkasata oo caqabad ku keeni kara ku guuleysashadeeda. Waxaa xelligaas socday dhismihii maamulgoboleedka Jubbaland oo haddii lagu guuldarreysto keeni lahaa inaan badda guul laga gaari Karin. Sidaas darted waxay dowladdii Xasan Sheekh xoogga saartay in Jubbaland maamulkeeda la dhameeyo waxaana la dhameeyey August 2013.

Dowalldii markaas waxay u soo jeesatay arriinta badda ee Kenya nagala dhaxeysay, waxaana la bilaabay in la ururiyo macluumaad arintaas ku saabsan. Doodo dheer oo dowladda dhexdeeda iyo la tashi badan oo khubaro calami ah iyo kuwa Somaliyeedba leh kadib waxaa la go’aansaday in Kenya lala fadhiisto sida xeeraka caalamiga ay qabaan. Balse kulmadaas wax natiijo ah oo ka so baxay majiraan. Kadib dowaladdii Xasan Sheekh oo si fiican arrinta u diyaarisay ayaa go’aansatay inaan arrinta cid kale lala wadaagin si looga fogaado culeysyada ay nagu sameyn karaan iyo saameynta ay go’aanka ku yeelan karto darteed in si toos ah iyadoo aan cidi ogeyn la horgeeyo maxakamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Kenya iyo dalal badan waxay ku baraarugeen markii arrinka uu tagay maxakamadda caalamiga ah waxayna Kenya bilowday inay isku daydo waddo kasta oo arrinkaas lagu fashilin karo waxaana go’aankeeda kow ka ahaa inuusan Xasan Sheekh ku soo noqonin doorashada soo socotay ee 2016/17 si loo helo shakhsi arrintaas u arki kara inay tahay wax uu Xasan Sheekh watay sidaasna lagu xero, dacwaddana ka soo celiya Mxakamadda Caalamiga ah.

Waxyaabaha ay Kenya aad ka u dhibsatay oo ay ku tashaneysay waxaa kamid ahaa in Mudane Axmed Madoobe uu taageeray dacwadda badda, arrinkaan oo ahaa mid horay looga wada shaqeeyey oo uu Axmed Madoobe talowadaag ku lahaa.

Dowalado badan sida Taalyinga iyo Qatar oo ku mideysan shirakaadda ENI, Norway oo wadata shirkadda STATIOL iyo Imaaraadka oo HSH kula dagaalsanaa diidmadii dekaddii Berbera oo u hiillinaya Kenya ayaa bilaabay inay dhinac walba ka so galaan madaxdii Somaliyeed ee markaas joogtay, hasa yeehsee go’aanka dowladda Xasan Sheekh cidkasta oo kala hadashaa waxaa uu ahaa arrintaan waxay taallaa maxkamadda Caalamiga ah waxaana sugeynaa go’aankeeda.

Haddaba Kenya waxa kaliya ee u haray waa inay dowladdaas HSH kala dagaasho dhinac walba oo suuraagal ah, ka ciriiriso,  diyaarisana madaxdii ay ku badali lahayd oo laga saxeexo heshiiskii ay kula soo celin lahaayeen arrinkaas wadahal, dacwaddana ay uga noqon lahaayeen.

Sannadkii 2015kii waxay Kenya deganaasho siisay MW Maxamed Cabdullahi Farmajo, waxayn la bilowday wadahallo ah in haddii laga shaqeeyo inuu ku guuleysto Madaxweynenimada Somaliya uu isagan ballanqaado inuu dacwadda kala soo noqon doono maxkamadda caalamiga. Arrintaan aad ayey ula fogeyd MW Farmajo oo marnaba ma aaminsaneyn inuu madaxweyne iska dhaafe wareegga koowaad ka soo gudbi karo, hasayeeshee, waxaa uu si farxad leh ku ogolaaday inuu aqbalo dalabka Kenya waxaana durbadiiba la kala qaatay waajibaad ah in Kenya ay ku garab istaagto doorashada madaxweynimada, Farmajana uu dacwadda badda ka soo celiyo Maxakamadda Caalamiga ah, markuu guulaysto.

Febraayo 2017 Kenya ciddey doonto ha kaashatee ama nasiibka ha u hilliyee, waxaa hirgalay in Xasan Sheekh laga qaado talada dalka, lana saaro Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ahaa wixii ay Kenya ballanqaaday. Haddaba MAdaxweyne Farmaajo waxaa uu isla markiiba booqasho ku tagay Kenya waxaana la so hordhigay ballanqaadkiisii, waxaana loo sheegay in laga sugayo inuu sannadkaas gudahiisa soo celiyo dacwadda.

Haddaba markii uu Farmajo Xamar ku soo noqday waxaa u muuqatay inuu ku dhacy dabin aad u adag waayo arrinta badda waxay Somalida ka joogtay heer aan laga wada hali karin, dowladdii Xasan Sheekh way  fogeysay oo xataa waxay gaartay inuu MW XasanSheekh ku dhaartay inuu mar wliba arrinkaas u taagnaan doono haddii uu mdaxaweye yahay iyo haddii kalaba.

Sannadkii 2018 Waxa bilaabatay in Farmajo iyo Kheyre ay Kenya ku cusleyso dalabkii ahaa in la fuliyo ballanqaadkii, iyaguna waxay bilaabeen inay maadadaaliyaan oo ay yiraahdaan waqti na siiya, na suga , waa soo wadnaa iwm. Laakiin dowladda Farmaajo iyo Kheyre oo aan iska warqabin ayaa waxaa dalka K/Afrika lagu qabtay shir lagu sheegay in lagu soo bandhigayo warbixinno la xiriira shidaalka, iyadoo aysan jirin dhammaan xeerarkii iyo sharciyadii shidaalka ee dalka.

Haddana waxaa xigay kii London oo la sheegay in lagu xaraashay xermooyin(blocks) shidaal ah tan oo dabkii Kenya ku baxayey bansiin ku sii shubtay.

Hadda waxaa socda in madaxdii dalka ay kala dhuuntaan oo aan warkii u dambeeyay ee Kenya ka soo yeeray aan wax jawaab ahi laga bixin, MW Farmajo waxaa looga yeeray dalka Masar si loogu soo digo inuu ka fogaado in uu dalka keeno ciidan Itoobiyaan iyo Erateriyaan ah. Kheyre waxaa uu Xamar ka wadaa sidii uu isaga fogeyn lahaa Farmajo si uu isu sharraxo doorka soo socda ee 2020/21, waa haddiiba doorashao dhacdee. Fahad waxaa uu u aamusan yahay inuu ka fekero cidii uu raaci lahaa ama uu raran lahaa Kheyre iyo Farmajo walow ay jiraan madax kale oo wahadallo hoose la wadwado.

Haddaba shacabka Somaliyeed waxay dheagaha u taagayaan in MW Farmajo uu aqbalo cadaadiska Kenya oo uu jojiyo dacwaddaii badda.

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!