Farah Macalin iyo Adan Barre Ducaale oo ku hungoobay qorsho lagula dagaalayo mucaaradka Farmaajo.

Reading Time: < 1 minute

Farah Macalin oo shan asbuuc ka hor booqasho ku tagay Magaalada Muqadishu, ayaa halkaas kula kulmay MW Farmaajo. Kulanka Waxaa ka soo Shaqeeyay Mudane Adan Barre ducaale oo in mudo ah dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay Farah Macalin. Heshiiskooda Nayroobi ka dib ayaa gudoomiye Adan Barre Ducaale ku qanciyay in MW Farmaajo lacag uu soo siiyo Farah Macalin. Warar MOL xaqiijisay ayaa sheegayo in uu MW Farmaajo lacag uu ugu  Magac daray “sooryo” uu soo siiyay Farah Macalin. Farah ayaa markii uu ku noqday magaalada Nayroobi joojiyay in dacaayadii Farmaajo, waxa uuna ka shaqeeyay isaga iyo Adan Barr Ducaale in mucaardka dowlada laga musaafuriyo Magaalada Nayroobi laakiin waxaa arintaas ka hor yimid oo diiday Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Agaasime ku xigeenka, dhanka staraatijiyadda iyo siyaasadda  ee  madaxtooyadda dalka kenya  Ruth Kagia, ayaa sheegtay in Kenya ayan marnaba qayb ka noqnaynin isqab-qaybisiga siyaasadda Soomaalida dhexdeeda ah . Waxa ay tiri  “Gudoomiye Adan Barre Ducaale Waxaa uu sharcidajiye u yahay kenya ee uma aha Soomaaliya” Waxa ay ku dartay “Siyaasadda kenya ee ku wajahan Soomaaliya  Waxaa laga jaan gooyaa wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya” 

Lixdii bilood ee ugu danbaysay ayaa waxaa dagaal siyaaaadeed soo kala dhex galay Adan Barre Ducaale iyo Madaxweyna Uhuru  Kenyatta. Lixdii bilood u danbeeysay  Madaxwyne Uhuru waa uu diiday in uu qaabilo Adan Barre Ducaale. Waxa ay kaliya oo ay isku arkaan waa howlo shaqo ama Shirar labadaba lagu casuumay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Waxaa muuqata in albaabkii ugu danbeeyay ee wadamada dariska ah ay ka soo xirantay. Ma aha kaliya in Kenya ogolaatay in mucaardka Farmaajo ku shiraan kenya Waxaa loo ogolaaday in ay si toos ah uga mucaaradaan Farmaajo!