Faragelinta uu MW Farmaajo ku hayo maamulka KG waa gardarro

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magaalada Baydhabo lagu daad gureeyey ciidan laga keenay asalkoodii hore gobolka Gedo, mudana Xamar ku sugnaa si ay u taageeraan Musharaxa Lafta Gareen oo ah Musharaxa ay dawladdu wadato bacdamaa uu Abti u yahay Madaxweyne Farmaajo.

Ciidanka waxaa dajiyey oo gacanta ku haya, isla markaana amraya Geneeral Mahdi oo ah Taliyaha Boliiska. Laakiin waa kuma General Mahdi waa aabaha xaaska Lafta Gareen oo ay haddana hal reer isku yihiin isaga iyo lafta Gareen , waxaana labadoodaba dhalay hooyin Mariixaan ah oo waxaa abti u ah Farmaajo.

Waxaa kaloo intaa dheer waxaa uu ku soo dhex koray reer Abtigiis oo wuxuu General Mahdi isu haystaa inuu yahay nin Mariixaan.

Guud ahaan dadka deggan gobolada Bay iyo Bakool waa dad isugu jira Somali oo dhan waxay ka kooban yihiin qabiil kasta. Dadkan waxay waligood ku noolaayeen nabad iyo is kaashi hasa yeeshee waxaa hawshan oo kale ka sameeyey MW Maxamed Siyaad oo u kala qeybiyey qabiillo. Laakiin kala qeybinta Farmaajo waxay keeneysaa dagaallo sokeeye oo gobolkaas ka dhaca, waana inta uu rabo Farmaajo si ciidan shisheeye loo geeyo oo Itoobiyaan ama Eriteriyaan ah.

Tusaale cad waxaa ah Wasiirka Amniga Xasan Xuseen ayaa taageersan keenista ciidanka Muqdishu laga keenay. Sababtuna waa tan Wasiirka dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeeda beesha Yantaar, waxaanu ku doodaa inuu yahay asal ahaan inay beeshiisu tahay Geri Koombe oo ay Darood yihiin. Sidaas darted uu aaminsan yahay inay waajib tahay in la taageero Lafta gareen.

Waxaad moodaa in Farmaajo uu adeegsanayo qabyaalad cad oo uu kala qaybinayo beelaha muddada dheer walaaltinimo ku wada noolaa oo uu hadda dhex dhigayo cadowtinimo qabiil. Waa la ogyahay in beelaha nabadda badan haddii ay kacaan ay adaga tahay in la damiyo. Sidaas darted waxaa haboon in Farmaajo laga qabto intii uusan isku dirin beelahaas.

Waxaa la badalay Hirshabeelle maamulkeeda ciidan looma adeegsan. Waxaa laga badalay Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ciidan Xamar laga keenay looma adeegsan. Maxaa keenay in K/Galbeed loo adegsado ciidan gaar ah? Dadka reer K/Galbeed miyaanay ahayn dad wax qabsan kara.

Waa baroorta Orgiga ka weyn waxaa jira dano kale oo ka weyn oo haddii aysan xildhibaanada K/Galbeed maanta ka dhiidhiyin ay keeni doonta inay gobolka Marti ku noqdaan. Reer K/Galbeed xusuusnaada inta dembi ee uu Farmajo idinka galay, ka keena mooshin inta uusan idin baabi’in.

Waxaad u garba qabateen Jawaari, danta laga lahaana waxay ahayd in la baabi’iyo maamulada dhisan.