Fanan Cali Dhaanto oo Beeniyay in La Sumeeyay Xaaladiisa Caafimadna Ay Liidato

Reading Time: < 1 minute

Waxa goor sii horeysay si xoogan loga hadal hayay baraha bulshada ku xirirto iyo Warbaahinta qaarkood in xaalada Caafimaad ee fanaanka Cali Dhaanto ay liidato kadib markii la shegay in lagu sumeeyay Xaflad uu uga qeyb galay kismaayo.

Fanaanka aya sheegay in wararka sheegaya in xaaladiisa Caafimaad ay Qatar ku jirto ay tahay mid been abuur ah isla markaana Maanta uu ka yimid Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Kismaayo uu ku sugnaa mudo todobaad ah maantna muqdisho uu ka so dagay
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanagsan,waxa uuna ugu baaqay dadka Baraha Bulshada isticmaala in aysan faafin wararka been abuurka ah, tiro dhowr jeerna ay Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada baahiyay in uu geeriyooday.