Fanaanka caanka ahaa Maxamed Aaden Shamuuri oo geeriyooday

Reading Time: < 1 minute

Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii Soomaaliyeed ee Hooballada Waaberi Maxamed Aadan Shamuuri. Marxuunka waxa uu ka mid ahaa fanaanta ugu caansan dalka Soomaaliya. waxa uuna inta badan ku luuqayn jiray beesaha reer xamarka.

Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxuuna xalay ku geeriyooday degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho.