Fanaanadii Aamina C/lahi Xirsi oo ku Geeriyootay magaalada Boorama

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta geeroyootay Fanaanadii Weynayd ee Aamina Cabdullahi  Xirsi. Fanaanada ayaa ku Geeriyootay magaaladsa Boorama ee degaanka Somaliland. Fanaanta oo aad looga yaqiinay guud ahaan dhulka Somalida degto ayaa lagu yaqiinay cod macaan iyo heeso taariikhi noqday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Sulayman Yusuf Koore, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Md Siciid Xasan Habbane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdikariim Aadan Cadde Iyagoo ku hadlaya magaca shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta , dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland waxay dhanbaal tacsi ah u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Bah’da Dhaqanka ee Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid maanta alle ha u haxariistee Hoboladii caan baxday ee Aamina Cabdilaahi Xirsi oo ku geeriyootay magaalada Borama.

Marxuumada waxay ku sifeeyeen in Marxuumad Aamina Cabdilaahi Xirsi ay kaalin mug leh ka soo qaadatay Marxaladihii kala duwanaa ee Fankeenu soo maray isla markaana ay ka mid ahayd Hablaha ugu codka wanaagsan ee Fanka Soomaalida soo maray, waxaanay eebbe uga baryeen inuu naxariistiisa jano ugu deeqo, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan bah’da dhaqanka ee ay ka baxdayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.