Fanaanad maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Alle ha u naxariistii Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta) ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyey Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada.

Alle ha u naxariistee Fanaanadad Muno Xidigta ayaa sida uu abwaanka sheegay waxa ay u geeriyootay xanuun kusoo booday habeen hore waxaana ay saakay aroortii u geeriyootay xanuunkii kusoo booday.

Fanaanada Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobolada Waaberi Puntland iyadoo markii danbe usoo wareegtay dhanka Magaalada Muqdisho sidaasna uga mid noqotay Hobolada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.