Falnaq Xooggan oo Ka Dhashay Baahinta Ladagaallanka Musuqmaasuqa  

Reading Time: 2 minutes

Dowladda FS ayaa bilowday inay si dhab ah ula dagaasho musuqmaasuqa oo ka mid waxyaabaha dalka ragaadiyey iyadoo qof waliba meeshii ay ka gaarto ruqsaneysay ilaa in yar mooyee oo uu Rabbi ugu naxariistay inuu fursaddii u diido ama uu qalbiga u nadiifiyo oo cabsidiisa uga joogsaday.

Tallaabadaan runtii waa mid uu maanta dalka aad ugu baahan yahay, taas oo keeni karta inuu dalka noqdo dalka horumarkiisa soo dadajin kara oo sharciga uu yahay waxa lagu kala baxo.

Sidoo kale waa inay dhismaan hay’adaha dowlagi ah ( public Institutions).

Laakiin si loogu guuleysto yareynta musuqmaasuqa waxaa hubaal ah in cid kasta oo isku daydaa la dagaallankiisa ay la kulmeyso cadaawad xoog badan iyo dagaal aan kala go’ lahayn oo dibadda iyo gudaha ka imaan doono.

Runtii musuqmaasuqa maaha mid guadaha dalka kaliya ka jira ee waxaa qeyb weyn ka ah hay’adaha caalamiga ah ee maamula taageerada waddamada la siiyo, dalalka taageerada soo dhiibay iyo koox weyn oo ka mid ah dalka taageerada la siinayo, gaar ahaan masuuliyiinta iyo ganacsatada gacansaarka ah ee xiriirka la leh hay’adahaas ayaa dagaalka qeyb weyn ka noqonaya.

Haddaba,  MW Xasan Sheekh, Gudoomiye Aden Madoobe iyo R/ Wasaare Xamza waxay la kulmi dagaal gudaha iyo dibadda looga qaado si loo fashiliyo, waxaana aad u soo xoogeysan doona maalmo dhow weerar afeedka lagu qaadayo dowladda gaar ahaan Madaxdweynaha oo isaga ku dhiirraday inay dowladiisa shuruucdiina sameyso, dhaqangelintii shuruucdaasna hadda waddo..

Dagaalka wuxuu iman doonaa:

  1. Kooxo Gudaha ah oo musuqmaasuqa ka macaashay, haystana hantidii ay umadda ka dhaceen. Kuwaas oo marka ay maqlaan waa la is xisaabinayaa ku dagaallami doona waxkasta oo ay heli karaan, sida dacaayado joogto ah oo dhagaha dadka laga buuxiyo. Waxaan arkeynay todobaadyadii tagay markii uu RW Xamza magacaabay guddiga hantida qaranka falnaq xoog leh oo durbaba ka bilowday baraha bulshada oo xataa qaarkood kicin shacbi ay sameynayeen taas oo ay ku mudan karaan maxkamadeyn.
  2. Hay’adaha caalamiga waa lagu yaqaan marka ay arkaan madax u istaagta inay wax saxdo inay ka horyimaadaan oo ay abuuraan doodo ay shacbiga soo dhexdhigaan si tashwiis loo geliyo. Haddii ay taas shaqeyn weydo waxay iibsadaan saaxafadda gaar ahaan wariyayaasha ama qorayaasha wargeysyada kuwaas oo ay u qoraan mushaarooyin fiican si ay shacbiga iyo ra’yul caalamka u marin habaabiyaan. Haddii ay taas shaqeyn weydo waxaa lacag iyo awood badan ay ku bixiyaan mucaaridka si hogaamiyaha u istaagay inuu musuqmaasuqa la dagaalo dalkiisana horumariyo iyagoo sameeya doorashooyin ama afgambi looga qaado talada dalka ama loo adeegsado koox ka mid ah xukunka sida xildhibaanada oo mooshin iyo carqalado loo jiheeyo, sida hadda lagu wado MW Erdugan, Imran Khaan iyo Maxamed Musrigii Masarna lagu sameeyey.

Waxaad maqli doontaa  dhowaan in MW  iyo RW loo jeediyo eedo ujeedadoodu tahay marin habaabin oo ay durbaba bilaabeen kooxo kala duwan oo wariyayaal ah toosna u weerara Madaxweynaha ama qoyskiisa iyo mucaarid wararka wariyaha iibsan buunbuuniya oo goobaha la soo istaaga.

Sideedana, hawshaan adag ee ay u bareereen MW Xasan sheekh iyo dowladiisa waxay la kulmi doontaa inta aan kor ku soo sheegnay qaarkood ama dhammaantood waxa kaliya ee looga gudbi karaana waa inay yeeshaan maqaar adag, talo badan iyo inay Rabbi ku xernaadaan. Dagaalka Musuqmaasuqa kama duwan kan shabaab wuxuuna u baahan yahay dadaal la mid ah kaas.