Fallo MOL: Maxaa Dhici Kara Haddii aan Doorasha Dhicin 2020/21?

Reading Time: 4 minutes

Waxaa soo dhow xelliggii uu soo gabagaboobayey muddada xilhaynta hay’adaha distuuriga ee dalka taas oo ku eg horaanta sannadka soo socda ee 2021. Waxaa loo baahan yahay in inta uusan dhamman sanadkaan 2020 in uu dalka yeesho barlaman badala kan hadda jiraa si loo qabto doorashadii Madaxweynaha horaanta 2021, isagana uu soo magacaabo wasiir koowaad oo soo dhisa dowladda soo socota golaheedii wasiirada.

Haddaii xaalku sidaas u dhaco waxaa muuqaneysa rajo ah in dalka mar kale is haabhaabto oo uu horay u socdo. Waa dhab inay caqabado badan jiraan haddana ilaa iyo carta sannadakii 2000 waxaa talada dalka isku badalay 5 madaxweyne oo hogaaminta dalka isaga dambeeyey, taasina waxay muujineysaa koboc siyaasadeed iyo inaan barannay in xilka uu yahay mar waliba mid xilli ku muddeysan. Ma jiro dalka ay 5 madaxweyne isku badasha muddo 20 sano ah ee Afrika ku yaalla, waana guul shacbiga Somaliyeed ay ku tallaabsadeen, taasna waa sababta aan anigu qof ahaan ugu rajo weynahay inaan waddadaas ku sii soconno oo la qabto doorasho keeni karta in xilka lala kala wareego caqabad kastaa ha jirtee.

Maxaa dhici kara haddii aysan sidaas wax u dhicin?

Waxaan bal isku dayayaa inaan maqaalkan kooban ku saadaaliyo waxa dhici kara iyadoo mar waliba ay tii Allah doono uu mudnaanta iyo go’aanku yahay ayaa haddana aadanaha sideydoo kale ah laga mamnuucin inay saadaal ka sameeyaan timaadada, iyagoo ka cabir qaadanaya tagtadii la soo dhaafay oo lala akhriyey tan joogta.

Haddii aysan dalka ka qabsoomin doorasho la isku raacsan yahay noocey doonto hana noqotee xaaladda ma qurux badna waxay leedahay cabsi iyo in laga weecdo waddadii xil isku wareejintii aan so haynay.

Waxaa dhici kara qodobadaan midkood:

  1. Inuu dalku yeesho seddex madaxweyne oo kala yimaada:
  2. Golaha Shacbiga: Golaha shacbiga oo sameeya madaxweyne, kadibna ku dooda madaama aan doorasho la qaban Karin, Madaxwynahii Jamhuuriyadana uu waqtigii ka dhammaaday waxaa dalka hogaaminaya guddoomiyaha Golaha shacbiga, Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman inta laga gaarayo xelli doorasho la qaban karo.Halkaasna uu u yeero maamul goboleedyada, si uu wasiir koowaad uga soo qabto.
  3. Madasha Xisbiyada Qaran: Madasha oo tiraahdo maya annaga yaa Madaxweyne dooraneyna maadaamaaan ka wakiil nahay xisbiyada dalka intooda badana oo halkaas ay madasha ku keensato Madaxweynihii labaad.
  4. Gobolka Banadir: Gobolka Banaadir oo yiraahda annaga ayaaba ah dowladda Rasmiga ah oo hay’adaha dawladda oo dhan ku biilna canshuurteena. Sidaas darted waxaa dhisaneynaa dawlada rasmiga oo wadahadal la gasha dowlad goboleedyada dalka si loo dhiso dowlad lagu heshiis yahay oo ay wada dhistaan dowlad goboleedyada aan hadda ka mid noqonnay.
  5. Dowlada Minidmo Qaran:Qodobka kale waxaa uu noqon karaa mid ka wanaagsan ka kore waa in la dhiso dowlada midnimo qaran loogu yeero taas oo ku timaada sidan: In Golaha shacbiga iyo Madasha Xisbiyada qaran wada dhisaan dowlada midnimo qaran oo Madaxwynaheeda uu ka yimaado galaha shacbiga iyadoo wasiirkeeda koowaadna uu ka yimaado madasha, ama isweydaar oo halkaasna lagu yagleelo dowlad midnimo qaran. Waxay ka haboon tahay waxyaabaha ku jira qodobka koowaad laakiin iyada lafteeda ma xanaf la’aan doonta oo wax badan ayaa tanasulaad u baahanaya, lagumana yaqaanno Somalida tanasul iyo wadashi caadifad ka bannaan.
  6. R/wasaaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal: Waa dhacdo kale oo suuragal ah taas oo aan fududeyn, balsa ah waddo kale oo lagu fekeri karo in wax lagu noqdo, waxna lagu dhiso. Wasiirka koowaad ee dalka Mudane Kheyre oo Madaxdweynaha Dalka Mudane Farmajo ka furta kuna eedeeya waxkasta oo qabsoomi waayey inuu duqa u saariyo, halkaasna uu heshiis ay dadka qaar ku tilmaami doonaan heshiis munaafaqadeed la gala gudoomiyaha Golaha Shacbiga Mudane Mursal, laguna soo dhiso dowlad ay Madaxweyne iyo Wasir koowaad kala yihiin labadooda, madasha iyo maamul Goboleedyadana ay diidaan taas oo ah ka dar oo dibi dhal.

Qodobkaan u dambeeya waxaa uu keeni karaa inuu dalka galo dagaal degdeg ah waayo waxaa laga yabaa inay dibadbaxyo abaabulaan  xisbiyada mucaaridka ah oo ay madasha horkaceyso kuwaas oo hadda kulaalaya madaxtooyada, kaashadana maamul goboleedyada uu maalamahanna waqtiga isku doon saaray kuwooda go’aanka leh xelligaan sida Jubaland iyo Puntland iyo Lafta Gareen oo ka daba luuda, una arka in loo baahan yahay dowlad ay madasha hogaamisaa inay dhaami karto dhammaan qodobada kale.

Beesha Caalamka iyo doorkeeda markaas?

Waxaa inta badan ilaa iyo hadda madaxada ciidda ku duugata oo aan macno badan lahayn beesha caalamka oo aan mowqif adag marnaba ka qaadan waxyaabaha ka dhacaya dalka dhibaato kasta oo ay leeyihiin, iyagoo og inay wax badan badli karaan ayey haddana iska fogeeyaan mas’uuliyadda, kuwaas oo u muuqda mar haddii aan dagaal socon annagana aan saameynteenna ku leenahay koox walba mucaarida iyo mu’ayidba maxan culeys isugu fureynaa. Tani waxay keeni doontaa in Somalida ay tiraahdo na dhaafa, waliba dowladdaan waxay muujisay inaysan beesha caalamku ahayn kuwa macna leh markii maalin cad dalka laga eryey ninkii u sarreeyey, wax tallaabo ahna aan cidi ka qaadin, lana yiri kaas ma nacdeen waxaan idiin soo direynaa ku aan uga soo dignay inuu idinka hor yimaado nacam nacam iyo aamus mooyee.

Beesha caalamka kama laha qorsho sugan Somaliya, kaas oo lagu dhiso hannaan dowli ah oo xoog leh, mana jiro waqti go’an oo ay Somaliya ugu talagaleen inay ku soo celiyaan waddada dawladnimo dhameystiran. Lacago malaayiin ah ayaa ku baxa mana jirto dowlad Somaliyeed oo si fiican lacagahaas ugu faa’iideysan karta waayo madaxda iyo hawl wadeennada sida wasiirada laguma soo xulo muxuu yaqaan (meritocracy) oo uu qaban karaa ee waxa lagu soo xulaa ma yahay mid ii daacad ah aniga  (loyal to me) ama reerkeyga ma yahay. Laakiin marka uu qaska sare midkood dhaco waa marka uu James Swan noqonayo madaxweynaha qarsoon ee dalka oo isaga ayaa loo kala dhuuman doonaa.

Shabaab maxay qaban doonaan?

Shabaabka waxay isu arkaan inay yihiin cidda go’aamisa halka uu dalku u socdo oo marka ay weerarada iyo dilalka kordhiyaan dowladda, AMISOM iyo UN waxay bilaabaan falcelin aan macno badan lahayn. Waxaana la hubaa inay dalka iskaga carari doonaan dhamaan beesha caalamka haddii uu dumo haylka dowlanimo ee hadda jiraa. Waxaana tusaale kuu ah UNISOM iyo UNITAF oo markiiba iska tagay markii miisaaniyadda laga goostay. Sidaas iyagoo og waxay Shabaabku isku ballaarin doonaan dhaamaan magalada Muqdisho iyo dalka oo dhan waxayna la iman doonaan habdhaqan maamul oo ay dadka u noqon doonaan Meesha ay ammaan ka helaan haddii ay u hogaansamaan iyaga. Waqtigaan la joogo Shabaabka canshuurna waa qaataan waana loo xukun tagaa marka ay xataa saraakiisha garsoorka, xildhiban guri kaa dhaca iyo saraakisha boliiska ay wax yeelaan dadka, taas ayaana keentay inay dadku u dhega nuglaadaan shabaabka. Sidaas darted meel kasta oo ay dawladnimad faaruqiso iyaga ayaa buuxin doona.

Ciidanka Dalka: Ciidanka waa wareeri doonaan waxayna u qeybsami doonaa kuwa kala raaca kooxaha siyasadeed oo iska soo horjeeda, waxana bilaaban doona isku dhac dhexdooda oo koox u iishay beelahooda ayaa waxay isku qabsan doonaan u sad burinta beelahooda waana arrin cabsi leh. Sababta ugu weynna waxay tahay saraakiisha hadda ciidan ka hogaamisaa maaha saraakiil khibrad u leh waxa uu keeni karo kala jabka ciidanka oo waa dhallinyaro ah balsa qalbi wanaagsan iyo wayeello garab loogu dhiibay ciidanka noocyadiisa kala duwan hogaaamintooda, laakiin aan lahayn garsho  aqooneed iyo mid hogaamin ciidan waana khatarta ugu weyn hadii aan si aad ah looga fiirsan arrinkaan ciidanka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!