Fallo: Maxaa ku Qarsanaa Khubaddii Furitaankii K/fadhigii G/ Shacbiga ee MW Farmajo.? Akhriso

Reading Time: 5 minutes

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad shalay ka jeediyey furitaankii golaha shacbiga aya sheegay inuu gudanayo waajibkiisa dastuuriga ah oo uu si rasmi ah u furay kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka. Farmajo oo is xanaajinaya ayaa golaha ku eedeyey inuu saxeexay laba sharci oo kaliya, iyadooo uu yiri waxaa idin horyaalla 29 sharci.

Hasa yeeshee  MW waxaa uu uu sheegay inuu saxeexay laba sharci. Ma oran labada sharci ayaad ii soo gudbiseen waxaa uu yiri laba ayaan saxeexay. Haddaba mudane Madaxweyne maxadan u saxeexin kuwii faraha badnaa ee laguu soo gudbiyey? Sida sharcigii caanka ahaa ee ka hortagista qaran dumintii DP Worlad looga joojinayey faragelinta qaawan. Sharcigaan waxaa uu miiskaga madaxweynaha saaran yahay muddo sannad ku dhow, mana saxeexin, mana saxeexi kartid oo Abiy iyo Afaweki ayaad ka baqeysaa.

Dhinaca kale Mdaxweynaha barlaman uu furihii ka qaatay islamarkaana guddoomiye uga dhigay ruux aan kala aqoon wax uu baarlaman yahay iyo wax kale, guddoomiye Mursal, ayaad haddana waxaa lagu eedeynayaa barlamankaas inaysan sharciyo soo ku gudbinin.

 Shuruucda waxaa gudbiya barlaman madax bannaan oo shaqo u soo kallaha ee sharciyo masameyn karo barlaman ay xukuumadda haysato oo aan xor ahayn, ajandihiisana aan isaga sameynsan Karin.

Madaxweynaha oo waqti u waayey cabsi darted inuu khudbad cusub soo diyaarsado ayaa markale akhriyey khubaddii uu kal hor jeediyey oo aan waxba laga badalin. Taas oo ahayd khubadihii laga akhrin jiray golayaaasha hanuuninta dadweynaha- Oryentayshanada- ee degmooyinka gobolka banaadir xelligii kacaanka, waxaana gudaha golaha lagu soo buuxdhaafiyey ururada bulshada oo sacab iyo sawaxan isku darayey markii uu kalmad doqomeed yiraahdaba.

Farmajo oo aan dhagihiisa iyo afkiisu is maqal ayaa amakaag ku riday xildhibaanaddii dhageysayey kadib markii uu yiri “Dowladdeydu had iyo jeer  waxay u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya”

Waa yaabe ma sidaan ayey ugu taagan tahay dowladdu howlahaas sare ku xusan oo uu madaxweynuhu sheegay kadib markii:

  1. 38 Maraakiibta badda xaaflufisa oo ay Shiinuhu leyihiin loo saxeexay inay badda ku xaalufiyaan inta aysan mudada Farmajo xukuxkiisa ka dhammaan.
  2. Itoobiya loo saxeexay afar dekadood inay gacanta ku dhigaan.
  3. Markii uu diiday inuu saxeexo sharcgii looga joojinayey la wareegidda Berbera DP World.
  4. Markii Keynya la wado in loo fududeeyo inay la wareegto dhul badeedkii ay nagu soo haysatay lana soo celiyo dacwaddii badda.
  5. Markii Shidaalka dalka loo saxeexayo shirkado gaar ah oo laaluush laga qaatay wada qaataan.

Tolow xildhibaanada aan qaarkood arakayey inay sacbinayeen ma xoolaa, ma tuugaa, ma khaanulwadaniyiin baa marka ay waxaan ka dhageysanayaan Farmajo misa waa af wax cunay xishoo? Waqti dhow waa lakala baxayaa oo la ogaan doonaa cid waliba wixii ay dalka u gashay iyo wixii ay u dhintay. In shaa Allah.

Sidoo kale madaxweynaha isagoo hadallada la kufkufayaa waxaa uuu sheegay “in xiriirka waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.” Haddii ay sidaan tahay ilaalin iyo qadarin MOL iyo ummadda Somaliyeed ma oga caksiga ama lidka arrintaan waxa ay tahay waxaysa ogyihiin waxa aynu ku sugannahay oo ah ihaano iyo in sidii qof waalan oo aan tashan Karin madaxweynaheenna inta gacanta laga soo qabtay dayuurad loo soo saaray dal xiriirkii naga goostay soona eryey danjiraheennii.

La dagaallanka Argagixisada

Madaxweynaha ayaa sheegay “in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin.” Waa yaabka yaabkiisa aaway ballantii ahayd shabaab Dalka waxaan uga ciribtirayaa laba sano, misa Madaxweynaha waxaa uu shabaab u yaaqaannaa ciidanka XDSoo uu hadda ciribtirkoodu dhammaad yahay?  Waa saxan yahay haddii uu taas ujeeday waxa CDX ka haray waa koox jir ahaa dhaawacan,  Koox moral ahaan dhaawacan, koox darxumo la liidata iyo koox qaba dhibaato dhinac walba ah marka MW Farmajo waa ku guuleystay inuu dalka cirib tiray  laba sano gudahood cidda uu Shabab u yaqaanno oo ah CXDS.

Sirdoonka iyo Boliiska

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Waa run waa la habeeyey oo NISA waa la kala diray Boliiskii waa kala dilay, CXD waaba la tirtirayaa oo ciidan waxaa noo keeynaya walaalheen Itoobiya iyo Erateriya Marka shacbigu ha sabreen inta amxaaro PM ku garaacda iyo Erateriyaan guryaha ku dumaya ay ka imanayaan muddada dhow.

Kordhinta Dakhliga

Madaxweyne Farmaajo “dakhligii dalka inuu korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

Waa dhab in dakhliga la kordhiyey oo canshuur badan xoog looga qaaday maxaysata Muqdisho deggan si jeebabka Farmajo, Kheyre iyo Beyle loo buuxdhaafiyo iyadoo lala’yahay raashinkii $50 ahaa.

Cafinta deynta

“Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray ee IMF si nalooga cafiyo deymaha” Madaxweyne ma ogtahay in deyn cafintu ay marto Geedi Socod Dheer misa waxaa iskala booddaa warka ay kuu hoos geliyaan Beyle iyo Kheyre.

Arrintaan deyn cafinta waxay u egtahay in dadka Somaliyeed aan runta looga sheegin sida ay u dhacdo.

Deyn cafintu Waa howl aad u dheer oo u baahan in la soo ururiyo dhammaan xogaha la xiriira deymaha dalkaas lagu leeyahay iyo waddamada ku leh oo qaarkood ay xataa burbureen kuwii Somalya deynta ku lahaa ee Yogoslafia, Midowgii soo fiyeeti. Xogahaas waxaa ka mid ah in la helo tirada iyo lacagaha dalkaas lagu leeyahay; in la soo helo waddamada cafiyey deymaha ka hor hadda, in la helo barnaamij dhaqaale oo habeysan oo waddankaas uu la yimaado, dakhliga oo la kordhiyo laakiin aan lakala xadin sida hadda ka jirtaa dalkeenna  iyo musumaasuqa oo la ciribtiro oo aan ahayn in la kordhiyo sida hadda ka jirtaa Muqdisho.

Haddaba intaan  oo howl ah Wali ma dhicin mana sameyn kareyso dowladdaan waayo waxaa cid waliba ogtahay inay bixin kari la’adahay $50 ciidankii shabaab ka difaacayey, iyadoo bil waliba ay soo gasho $15m oo canshuur ah, iyo kabka maaliyadeed ee ay bixiyaan wadamada turkiga iyo Qatar oo dhan ilaa tobaneeeyo milyan oo kale.

Hawshaanna  deyn cafintu waa hawl qaadeynasa muddo dheer waxaa soo bilowday dowladdii ka horreysay tan Farmajo walina waa faanoole fari kama qodna.

Marka madaxda hadda joogtaa waxay ugu mashquulayaan deyn cafinta waa inay helaan fursad ay deyn cusub qoorta noogu geliyaan kadibna ay caruurteena la dhibaatoodaan bixinteeda iyadoo lacagtiina ay luntay deyntiina lagaa rabo.

Tusaale doodaha wadammada iyo Hay’adaha caalamiga sida IMF iyo WB iyo deyn dhaafka ka shaqeynayaa waxaa ka mid ah in MW Farmajo uu safray muddo laba sano ah 55 jeer oo markii ay ku baxaysay $200,000 taas ka dhigan inuu dalka ka lumiyey intii uu joogay $11milyan oo ammaankaaga akhriste lagu sugi karayey ma askarta cunno iyo mushaar loo dhigikaray muddo afar saro ah ciidan dhan 20,000 askari.

Ogow dowladdau marnaba ma rabto in amaanka la sugo waayo waa lala xisaabtamayaa haddii ammaanka la sugaa laakiin qof wax uu cuno la’ oo aan shaqo tagin ammaandarri darted lama xisaabtmi karo Madaxweyne iyo RW ku jira guri qabow oo amaankiisu sugan yahay, gaari mukeyf lehna wata oo markii shaah bannaanka uu rabo waddooyinka oo dhan loo xerayo. Imisa jeer ayaad aragtay iyadoo uu kheyre dubnad ama tarraq ku dheelayo hotel Maka oo uu jidka u xeran yahay?

Somaliland

Wadahallada Somaliland oo uu soo hadal qaaday looma dhaqaaqin waliba waa la dhibaateeyaa oo dhinac dagallo looga furayaa oo la magan geliyaa kuwa Khalkhal ku abuuraya xasillonideeda dhinaca kala dhaqaalaha laga curyaamiyaa si maamulkoodu uu u dumo ama uu ugu sii bato naceybka ay kuwa Muqdisho jooga u qabaan

Dowlada Goboleeedyada:

Waa la burburiyaa oo lala dagaalaa si shacabka ku dhaqan loogu diido inay wax qabasadaan waxaana la dul saraa maqaar saar madaxweyne ku sheeg ah, kuwa tshadana waxaa lala dhex tagaa lacago wax badan looga halleynayo sida saakaba loogu diray Jamal Xasan Puntland si loo soo dabo Siciid Deni si loo qabto shirkii Dowladaha xubnaha ka ah dowladda FS oo lagu xeray shirka IMFta iyo WB ee washington ka lahaa.

Xildhibaanada:

Shalay waxay xildhibaannada xoogaa waddaniyad ahi ku jirto ay sugayeen inuumadaxweynaha k ahadlo:

  1. Ammaanxumida Casimada iyo iyadoo qarka u saaran inay Shabab qabsadaan
  2. Ciidamada gaajada iyo harraadka la I daran oo aan wax difaaci Karin.
  3. Heshiiyada khaterta ah ee uu mugdiga ku galayo oo barlamanka la horkeenin.
  4. Dhibaatooyinka lagu hayo maamulgoboleedyada iyo xalkooda.
  5. Kala diridda Ciidankii NISA iyo kan hadda lagu wado XDS iwm.

Hasa yeshee waxay dhageysteen khudbaddii oryanteyshannadii Maamulka dalkan burburiyey. Tolow ma laga yaabaa inay ka soo baxaan xubno dhiig waddanimo leh oo u istaaga dalkaan magacadooda iyo saxeexooda lagu burburinayo?