Falalkii foosha xumaa ee RW Kheyre, Wasiir Beyle iyo Mahad Cawad oo abuuray xiisad ka dhex dhalatay MW Farmaajo iyo RW Kheyre

Reading Time: 2 minutes

Falalkii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen xildhibaanada BJFS, RW Xasan Kheyre, Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee BJFS    Mahad Cawad iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle aya dhaliyay is maandhaaf iyo muran ka dhex bilowday MW Farmaajo iyo RW Kheyre.

MW Farmaajo aya bixiyay amarka uu Hantidhowrka Qaranka ku sameeyay baaritaanada Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir, kaddib cabashooyin badan oo kaga yimid hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid masuuliyiinta dowladda.

MW Farmaajo waxaa uu aad uga xumaaday sida loo baal maray baaritaanada uu isaga amray waxaana ilo wareedyo ku dhow ay MOL u sheegeen in uu qorsheynayay in marka uu ka soo laabto safarka uu ku maqnaa uu arrintan wax ka qabto, balse looga faa’iideystay maqnaashihiisa. RW Kheyre ayaa ogaaday in MW Farmaajo uu qorsheynayo in uu la xisaabtamo Wasiir Beyle iyo Gud. Yariisow xilkana uu ka qaado taas ayaana soo dadajisay talababada ay qaadeen Beyle, Kheyre iyo Cawad.

Si taas looga hortago aya RW Kheyre waxaa uu dardargeliyay in warbixintii ay soo saareen guddiga maaliyadda laga dhigo mid aanan waxba ka jirin oo been abuur ah, waxaana arrintan uu uga faa’ideystay:

  1. Maqnaashaha Gudoomiyaha. Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudeey, waxaana halkaa fursad ka helay Gud. K/X labaad Mahad Cawad oo qaab laaluush iyo qabyaaladba leh u difaacayo Wasiir Beyle
  2. Safarka MW Farmaajo oo qorshuhu ahaa in uu maqnaado mudo ku kooban seddex maalmood ayaa dheeraad ka dib markii uu gadaal uga darsaday safaro kale oo uu ku soo maray dalal kale Turkiga, Ugandha iyo Kenya.

RW Kheyre iyo Wasiir Beyle aya warqad ku qoran afka Ingiriiska u diray Bangiga Adduunka, IMF iyo Hay’adaha caalamiga ah isagoo ku sheegay warbixintii guddiga Maaliyada in ay ahayd been abuur taasoo ah wax runta ka fog. Bangiga Aduunka ayaa horay uga codsaday Wasiir Bayle in uu ka jawaabo qoraalka ka soo baxay gudiga Maaliya ee Baarlamaanka laakiin jawaabta laga sugayay   ayuu u dhigay ilaa RW Kheyre iyo Mahad Cawad ay kala diraan gudiga maaliyada  iyaga oo lacag ku bixinayaan kal dirka gudiga.

Guddiga Maaliyadda aya horayu soo bandhigay caddeeymo buuxa oo muujinaya musuqa lagu helay Guddoonka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sida ay xog ku heshay MOL, waxaa maalmaha soo socda Guddiga Maaliyadda ay soo bandhigi doonaan xogaha rasmiga ah ee ay hayaan, waxaana ay ka warsugayaan sida MOL loo sheegay codsi uga yimid MW Farmaajo  oo ah in ay sugaan inta uu dalka dib ugu soo laabanaayo.

MW Farmaajo ayaanan ku faraxsaneyn sida indhaha caalamka loogu soo jeediyay musuqmaasuqa cad ee ka dhex jira hay’adaha dowladda gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu qorsheynayaa in uu xilka ka qaado Wasiir Beyle iyo Guddoomiye Yariisow iyo ku xigeenadiisa, balse su’aasha ay dadbadani is weydiinayaan ayaa ah “Ma sameyn doonaa”