Falalkii Agagixiso  ee Caasimadda Maxaa Dowladda Uga Qorsheysan Sidaan Xal maahee?

Reading Time: 3 minutes

Marka xaalado noocan ah ay dhacaan dowladaha dunida waxaa la sameeyaa shirar degdeg ah oo looga tashanayo inaysan mar kale dhicin iyo in xilalkooda ay ku waayaan masuliyiintii dayacay masuuliyadooda iyo kuwa garaadkooda hogaamineed uusan siin Karin inay ka hortagaan xaaladaha noocan ah.

Waxaa muuqata inay gaabis tahay ama aysan gebi ahaanba jirin siyaasad ammaan ee dowladda oo ku wajahan caasimadda.

Maamulayaasha maanta gacanta ku hayaa hawshaas haddey yihiin kuwa federaalka sida wasaaradaha Aminiga, arrimaha gudaha, boliiska, NISA iyo Gobolka Banaadir waxaa ka muuqatay in muddo ahba habacsanaan ay ka dhasheen dhimasho iyo dhibaato laga baaqsan karay haddii wax laga baran lahaa dhacdooyin hore u dhacay, ama madax loo xero kuwana shaqada looga qaado.

Tacsidii oo xataa iyadaba caato noqotay iyo waa la soo afjaray ayaa hadal uga soo haray masuuliyiin ahayd wax intaas ka duwan inay dadka la horyimaadaan.

Ciidamo firxad u muuqda, madax hay’ado aan isla shaqeyn iyo masuuliyiin aan waxa ay sameynayaan aqoon ayaa magaalada u horseeday inay weli sii ahaato goob ay shabaab ka fulin karaan waxa ay rabaan.

MW Jamhuuriyadda waxaa uu iclaamiyey dagaal shabaab lagu qaado, mahadi haka gaartee CXDS iyo Shacabkoo iskaashaday shabaab waxaa loogu tagay halkii ay joogeen, laakiin waxaa dayac ka muuqdaa amniga gudaha, gaar ahaan caasimadda oo la hubo inay u soo daba marayaan.

Waxay ahayd in loo sii hawlgalo inay guryaha ku soo noqonayaan shabaab oo unugyo jiifa ay kicin doonaan, waayo dalkaan muddo dheer ayuu gacanta ugu jiray, dowladdii horana waa u fududeysay sidii ay ugu xidideysan lahaayeen.

Run ahaantii dhibaatada maaha ciidan iyo agab la’aan ee waa:

  1. Hogaan xumo weyn oo ka jirta hay’adaha hawsha loo igmaday.
  2. Wada shaqeyn la’aan u muuqata in la isku fiirsanayo halkii la is dhameystiri lahaa ee la isla qaban lahaa.
  3. Masuuliayadda darro iyo la xisaabtan la’aan oo ma jiro qof ilaa iyo hadda loo soo taagay maxakamad ama shaqada looga eryey inuu dayacay masuuliyaddii.

Kala xernaanta magaalada, jidgooyooyin tira beelka  ah haddaana falalkii agagaxisada ay sidii  u dhacayaan waxay u muuqataa inay wax badan khaldan yihiin, mana muuqato in xalka baadigoob loogu jiro waxaa laga jawaabaa xujooyin shabaab oogaan oo kaliya, haddiiba la karo.

Sooma buubaan argagisada ee waa loo fududeeyaan inay tagaan goobta uu bar tilmaameedkoodu yahay, iyagoo soo mara intaas oo bar kontarool, mana dhacdo in la helo ciddii soo deysay.

Madaxda qaar ayaa ku dooda qaraxyo badan ayaa la fashiliyey, waa dhab oo waa ku mahasan yihiin, waana masuuliyaddooda oo ay guteen, laakiin qaraxa dhacay ayaa shacbiga uga xanuun badan midka laga hortagay.

Dadka aqoonta u leh arrimahaan waxay qabaan in la qaado tallaabooyinkaan si magaalada wax looga qabto amaankeeda:

  1. In la mideeyo dhammaan hay’adaha ammaanka magaalada u qaabilsan oo hal talis ama hal hoggaan la hoos geeyo.
  2. In loo xulo masuuliyiin leh aqoonta iyo khibradaha loo baahan waqtigaan ee aan lagu saleyn magacaabistooda waxyaabo kale.
  3. In xilalka laga qaado madaxdii uu ka yimid dayaca dhacay toddobaadkaan, sida dabkii suuqa ugu muuhiimsan dalka ee Bakaaraha yaa ka dambeeyey, hawl shabaab miyaa? iyo weerarkii Xaruunta Gobolka Banaadir, iyo ciidankii xabadda ku furay dadkii ka carooday falfal xumada ciidanka iska dila bajaajlayaasha quud doonka ah, iyo kuwii goobta gaaray oo ka daray sababtoo ah amarada ay haystaan oo aan cadcadeyn, kana muuqan cawaaqibka uu askariga qof dilaa mudanayo.

Isku soo duub,  waxaa la hubsan doonaa toddobaadkan sida ay uga falcelso dowladda wixii dhacay, haddiisa ay shibteeda ka gasho oo ay rabto inay ku dhaqanto waa iska caadi waxay u muuqaneysaa in dalku ku socdo khater weyn oo hadda la fududeysanayo balse keeni karta cawaaqib aad u xun.

Dowladda dhacdooyinka iyada ha sameyso ee yeysan la tacaalin oo daba ordin dhacdooyinka ay dadkale sameeyaan.