Fal-celin xasaasi ah oo ka dhalatay wadooyin caawa loo xiray Saadaq Joon iyo xaaskiisa

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidanka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, Xildhibaan Saadaq Joon iyo xaaskiisa Heybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caawa loo xiray wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa la sheegay inay ka soo adeeganayeen Suuqa Banaadir Mall oo ku yaalla laamiyaraha Soobe, waxaana la xiray jidadka soogala aaggaas.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay arrintaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad u falanqeynaya wadooyinka Muqdisho ee caawa u xiran Saadaq Joon, xaaskiisa iyo Taliyaha booliska dalka Jabuuti.

Dooda ugu badan ayaa ku saleysan in muwaadiniinta dalkaan aysan laheyn wax tixgelin ah, maadaama si fudud loo hakinayo dhaqdhaqaaqooda oo laga xiranayo wadooyinka, iyadoo loo deynayo dad kale.

Xiliga la xiray wadooyin oo ah fiid hore ayaa sabab u noqday in saxmad badan ay ka dhalato arrintaan, maadaama ay xayirmeen dad badan oo hoyaad u ahaa guryahooda.

Maalmahaan Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna dhawaan u yimid ka qeyb galka munaasabadii sanadguurada 80-aad ee aasaaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la qabtay shalay.

Sidoo kale Xildhibaan Saadaq Joon iyo Xaaskiisa ayaa maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, waxayna caawa isku soo raaceen ayaga iyo Taliyaha inay soo dukaameystaan.

Haseyeeshee dad badan oo dhibsaday wadooyinka loo xiray ayaa hadallo xanaf leh caawa ku baahinaya baraha bulshada, si gaar ah dhalinyarada reer Muqdisho oo aad ugu badan isticmaalka jidadka la xiray.

Inta badan waxaa la xiraa wadooyinka Muqdisho markii ay marayaan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, dadkuna waxay isku dayaan inay ogaadaan cidda markaas loo xiray wadada, balse markii caawa la isku sheegay in xubnahaas loo xiray jidka waxaa ka dhalatay hadal heyntii ugu badneed.